Waa Maxay Fariinta Uu siday Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka Ee Suuriya tagay?

0
23

Suuriya (Saxilnews.com-Suxufiyiinta qaarkood ayaa booqashadaa ku tilmaamay in ay tahay mid xal loogu doonayo xiisadda siyaaseed ee Suuriya ka taagan, halka kuwo kalena u arkeen in booqashadaas ujeedadeedu tahay in dhidibada loo sii adkeeyo danaha Ruushka ee gobolka.

Booqashadii “ugu miisaanka cuslayd”

Wargeyska Ra’yi Al-Yoom ayaa faallo uu qoray ku yidhi “booqashadani waxay bigilka u afuufaysaa bilowga hawlaha dib u dhiska Suuriya iyo in dalka laga saaro qoolka cunaqabataynta dhaqaale ee Maraykanka, iyada oo Ruushku masuuliyaddaa qaadanayo maadaama uu yahay dawlad weyn. Waxaanu doonayaa inuu balaayiin doolar dalka geliyo oo weliba xoogga lagu saarayo dib u dhiska wixii uu dagaalku dumiyey. Waxay sidoo kale tahay go’aan Ruushku gaadhay oo ah inuu fariin u diro Maraykanka iyo dawladda dhulka haysata ee Israel oo nuxurkeedu yahay in Suuriya iyo hawlaha dib u dhiskeedu yahay khad cas oo aan lagu dhiirran karin.”

Wargeysku wuxuu intaa ku daray “arinta biyo kama dhibcaanka ahi waa in Lavrov, odayga diblomaasiyadda Ruushku, sido fikrado door ah oo siyaasadeed oo ka dhashay xidhiidho ay yeesheen Ruushka, Turkiga iyo Maraykanka oo uu hor dhigo madaxweynaha Suuriya marka ay kulmaan. Sababta oo ah ninkaas odayga ahi, waa Lavrov e, Dimishiq oo uu ka maqnaa muddo sideed sanadood ah uma tagin oo keliya hadal ku saabsan mashaariicda dib u dhiska oo aan sideedaba ahayn arin khusaysa wasaaraddiisa.”

Faallada oo sii socotay ayaa wargeysku kuu yidhi “ma rabno in aan ku talax tagno oo aan nidhaahno waa booqasho ay dhici karto in ay tahay tii ugu miisaanka cuslayd tan iyo ‘gurmadkii’ milatari ee lagaga hortagay in dawladdaas la rido oo Maraykanku isku soo dumay 65 dal kuna bixiyey boqolaal milyan oo doolar si loo rido maamulkaas……laakiin ifafaalaha hor dhaca ah ee shirkii jaraa’id ee wada jirka ahaa ayaa wax badan oo arimahaas ku saaban laga dheehan karayey. Waxaana suurto gal ah in lacagta Suuriya ee Lira noqoto waxa ka marag kici doona arintaas oo ay suurto gal noqon karto in qiimaheedu kor u kaco”.

Maxamed Saadiq Al-Xusayni oo maqaal ku qoray wargeyska Al-Binaa ee Lubnaan ka soo baxa ayaa isna yidhi “xogo laga helayo meelo badan oo u dhuun daloola goobaha lagu gooyo talada Ruushka ayaa tibaaxaya in weftigaa weyn ee Ruushka ee Dimishiq gaadhay uu wado aragti siyaasadeed oo dhamaystiran oo ka kooban saddex qodob oo aasaasiya oo danta Suuriya mudnaanta koobaad leedahay ka dibna ta Ruushka iyo dalalka kale ee ay Suuriya xulufada yihiin”.

Al-Xusayni wuxuu intaa ku daray “waxaas oo dhan arinta ka sii muhiimsani waa in Moscow iyada oo eegaysa danaheeda dhaqaale ay hadana u arkayso saddexdaa qodob oo kala ah: in la adkeeyo difaaca dawladda, in la kobciyo dhaqaalah Suuriya oo lagu dhaabo taageerada Ruushka iyo in sidoo kale la sameeyo isbahaysi ballaadhan oo ku lid ah isballaadhinta Faransiiska. Waxaana arintaas ujeedadeedu tahay in laga samata bixiyo sannadkan adag ee culayska dhaqaale iyo ka siyaasadeed ba haystaan Suuriya oo ku jirta qoolka Maraykanku geliyey.”

.
Qoraalka sawirka, .

Bahaa Al-Cawaam oo isna maqaal ku qoray wargeyska Al-Carab ee London ka soo baxa ayaa qaba in “sideed sannadood oo adkaa ka dib booqashada wasiirka arimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ku tagay Dimishiq aanay ahayn mid xal loogu doonayo xiisadda ka taagan Suuriya, bal se ay tahay qorshe dhidibadda loogu aasayo saldhigyo dalkiisu ku yeesho xeebaha badda Mediterranean-ka.”

Waxaanu qoraagu intaa ku daray “Lavrov wuxuu doonayaa in ay si rasmi ah u bilaabanto saamaynta dhabta ah ee Ruushku ku yeelanayo Suuriya ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, dhaqanka, waxbarashada iyo diinta sida uu haantan ba saamaynta milatari ugu leeyahay. Intaas uun maaha ee waxa sidoo kale uu doonayaa in saamayntiisaasi noqoto mid si toos ah uu kaga gacan sarrayn karo dalkaa gudihiisa marka la barbar dhigo dhinacyada kale ee haatan Dimishiq xulufada la tahay weliba gaar ahaan Iran.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxu qoray “Ruushku waxay doonayaan in ay shuruud ku xidhaan Dimishiq oo ay tahay weliba in ay fuliso, maadaama oo uu yahay albaabka keliya ee dibadeed ee u furan dawladdaas hadii ay doonayo in ay ka baxdo dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee haysta. Moscow mar naba balanqaadyo u samayn mayso Bashaar Al-Asad uu awoodda ku sii haysan karo weligiiba. Laakiin waxay siinaysaa ballan ah in ay xiisadda ka demiso ilaa inta xal waara oo aan dhibaato isaga u yeelan la gaadhi karayo.”

“Kremlin ka oo dulqaadkii ka dhamaaday”

Wargeyska Al-Quds Al-Carabi ayaa faalladiisii wuxu ku yidhi “waxa cad in weftigaa xukuumadda Ruushka ka socdaa yahay kii ugu cuslaa tan iyo booqashadii mudada kooban ahayd ee Putin ku tagay Dimishiq horraantii sannadkan. Macnaheeduna waxa weeyi in Moscow muhiimad weyn siinayso socdaalkaa iyadoo welib garawsan duruufaha taagan. Ha noqoto dhanka maalgashiga Ruushka ee Suuriya, ama in il kulul lagu eego dalalka wada dagaalka dahsoon ee Israel iyo Iran ee diyaaradahoodu duullaanada ku qaadaan dalka Suuriya am aba xiisadda guud ahaan haatan ka taagan gobolka Bariga Dhexe ee la xidhiidha mustaqbalka gaaska Ruushku u dhoofin doono Yurub.”

Faallada soo sii socota ayaa tidhi “waxaana suurto gal ah in nuxurku yahay in Moscow ka daashay dib u dhaca fursadaha maalgashi ee ay ka heli karto dalkaas. Taas oo macnaheedu yahay in shirkadaha Ruushku qayb libaax ka helaan balaayiinta doolar ee deeq bixiyeyaasha dunidu ku bixin doonaan dib u dhiska Suuriya”.

Wargeysku faalladiisa wuxuu ku soo gabogabeeyey “isku dhafka saraakiisha sarsare ee qaabilsan dhanka dhaqaalaha, siyaasadda arimaha dibadda ee waftiga xukuumadda Ruushka ee booqashada ku tagay Dimishiq, wuxuu marag u yahay kakanaanta arimaha Moscow ka walaacsantahay. Marka se la eego mudadii koobnayd ee weftigu joogay waxay taasina marag u tahay in Kremlin ka dulqaadkii ka dhamaaday gaar ahaan marka la eego xiisadda ka taagan dalkaas ee gudaha, heer gobol iyo mid caalamiba ah.”

Xigasho BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here