Cudurka Coronavirus: Tallaalka Covid-19 ee Ruushka oo “waxtar yeeshay”

0
20

The Russian vaccine

Qoraalka sawirka,Tallaal ay sameysay dowladda Ruushka ayaa yeeshay “waxtar uu ku xoojinayo hannaanka difaaca jirka, sida warbixin lagu xusay.

Seynisyahannada dalka Ruushka ayaa markii ugu horeysay daabacay warbixin ku saabsan tallaalka cudurka covid-19, waxayna sheegeen in tijaaba horudhac ah ay muujineysa falcelin difaaca jirka oo ka dhigan in uu waxtar leeyahay.

Xogtan oo uu daabacay wargeyska wax ka qora arrimaha caafimaadka ee The Lancet, ayaa lagu sheegay in qof walba oo lagu tijaabiyay tallaalka ay ka muuqatay in uu wax ka tarayo feyraska korona, aysanna laheynna wax saameyn ah.

Dowladda Ruushka ayaa bixisay oggolaansho ah in daawadaas lagu isticmaalo gudaha dalka bishii Agoost, waana dalkii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay, kahor inta aanan la daabicin xogta la xiriirta tallaalka.

Khubaro caafimmaad waxay sheegayaan in tijaabada la sameeyay ay aad u yar tahay, aysanna xaqiijin karin waxtarka tallaalka.

Haseyeeshee dowladda Ruushka oo ka jawaabeysay dhaleeceynta loo jeediyay tallaalkan ayaa bogaadisay natiijada ama waxtarka daawadan.

Khubaro reer galbeed ayaa walaac ka muujiyay degdegga lagu sameeyay dawada, waxayna soo jeediyeen in degdeggaas uu waxbadan kharibayo.

Bishii la soo dhaafay, madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaalka uu maray dhammana tijaabooyinkii loo bahnaa, gabadhiisana ay ka mid tahay dadka lagu tijaabiyay.

Maxay warbixinta sheegeysaa?

Majaladda The lancet, oo wax ka qorta arrimaha caafimaadka, ayaa sheegtay in labo tijaabo lagu sameeyay tallaalka Sputnik-V intii u dhaxeysay bilihii June iyo July, waxaana mid walba ka qeyb qaatay illaa 38 shaqaale caafimmaad oo mutadawiciin ah, kuwaas oo la siiyay tallaal iyo dawa kale oo difaaca jirka xoojisa.

Dadkii ka qeyb qaatay oo ay da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa iyo 60 sano, ayaa xaaladdooda lala socday muddo 42 cisha ah, dhammanatoodna waxaa la sheegay in ay waxtar u yeelatay jirkooda muddo saddex asbuuc ah gudahood. Waxyaabaha ay daremeen dadkii la siiyay waxaa ka mid ah madax xanuun iyo xanuunka kala goysyada.

.

Dadkii lagu tijaabiyay tallaalka ayaa la sheegay inay ka war qabeen oo loo sii sheegay. Wajiga saddexaad ee tijabaada tallaalka cudurka coronavirus ee dalka Ruushka ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaataan 40 kun oo qof oo kuwaas oo lagu tijaabin doona.

Tallaalka dalka Ruushka waxaa la sheegay in laga sameeyay fayras inta badan keenaa hergabka, sababtuna ay tahay in ay kahortag u noqoto fayraska Covid-19.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha caafimmaadka, Philippa Roxby, ayaa ku soo warramaya in tijaabada illaa iyo hadda ay tahay “mid wanaagsan”, haseyeeshee falcelinta seynisyahannada Britain waxay muujineysaa in tallaal la sameeyo ay u baahan tahay wado dheer oo la maro.

Inkastoo tallaalkan uu muujiyay “waxtar” haddana waxaa lagu soo warramaya in aysan ka dhigneyn in dadka uu ka difaacayo fayraska corona, maadaama arrintaas aan wali la xaqiijinin.

Marka la eego natiijadda illaa iyo hadda laga arkay dawadan, waxaa muuqata in tallaalka uu yahay mid badqaba oo u wanaagsan dadka ay da’doodu u dhaxyso 18 ilaa iyo 60 sano, waxaana sidaas sheegay daraasad la sameeyay.

Balse wax badan laga ma oga sida uu waxtar ugu yeelanayo dadka da’da ah, ama kuwa qaba xaalado caafimmaad iyo kuwa khatarka ugu jira fayraska corona.

Waxaa kale oo jiray baaqya caalami ah oo ah in dowladda Ruushka ay soo bandhigto waxa laga sameeyay tallaalka.

Dawooyin badan oo dalal badan oo caalamka ay sameynayaan ayaa la arkayaa, mid midka kale ka waxtar badan, balse waxaa adkaan doonta in hal tallaal oo looga hortagayo feyraska corona ee dunida aafeeyay la isku raaco, maadaama dawooyinka noocan oo kale ah markii hore hal meel laga soo wada saari jiray ama dalalka ay iska kaashan jireen, haddana dal walba uu ku dhaqaaqay sidii uu u heli lahaa tallaalka corona.

Falcelintii ka dhalatay

.

Kirill Dmitriev, madaxa maalgashiga ee ka dambeeyay sameynta tallaalka, ayaa mar uu ka hadlayay shir jaraa’id waxaa uu sheegay in warbixintan la xiriirta tallaalka ee la soo saaray ay jawaab u tahay eedeymihii loo jeedinayay tallaalka uu soo saaray Ruushka.

Dad gaaraya saddex kun oo qof ayaa loo diyaariyay tijaabada wajiga saddexaad ee tallaalka.

Wasiirka caafiimmaadka ee Ruushka, Mikhail Murashko waxaa uu sheegay dowladda ay bilaha Nofemnar iyo Disembar ay bilaabi doonaan tallaalka guud , ahmiyaddana la siin doona dadka khatarta ugu jira cudurka.

Image shows the Russian Covid-19 vaccine
Qoraalka sawirka,Tallaalka waxaa weli u dhiman in la mariyo tijaabo ay kumannaan qof ka qeybgalayaan.

Haseyeeshee dad badan oo aqoon u leh arrimaha cudurada faafa waxay aaminsan yihiin in tallaal sax ah oo la helo ay tahay marka hore in waxbadan la sameeyo.

Brendan Wen, oo ah barafasoor katirsan machadka cudurada faafa ee London, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “in ilaa iyo hadda sida warbixinta lagu sheegay ay tahay arrin wanaagsan”.

Sida ay sheegtay hey’adda caafimmaadka adduunka ee WHO, waxaa hadda la wadaa 176 tallaal oo tijaaba ah, kuwaas oo guud ahaan dedaaladooda ay ka socdaan caalamka. Sadeex ka mid ah tallaalka ayaa haatan la sheegay in heer wanaagsan ay marayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here