Sirta nolosha ee maroodiga labka ah oo la ogaaday

0
23
Maroodi daaqaya dhul daaqsimeed ku yaalla webiga Boteti ee ku yaalla Botswana

Maroodiga labka ah ayaa hogaamiyaa maroodiga yar, sida ay sheegeyso daraasadda.

Haddii qaab ugaarsi ah lagu dilo maroodiga labka ah waxay masiibo ku tahay jiilasha ka dambeeya.

Warbixinta oo lagu daabacay jornaalka arrimaha seyniska ayaa muujinayaa in maroodiga labka ah uu dhaqamadiisa iyo dabeecadiisa uu baro maroodiyada kale.

“Waxaa in muddo ah la ogaa in maroodiga deddiga ah uu soo saaro hogaamiyeyaal waxtar leh maadaama ay leeyihiin khibrad, sidaas lamid ah maroodiga labka ah wuxuu kaalin weyn ka qaataa hogaaminta jiilaasha kale” ayay tiri Connie Allen oo ka tirsan jaamacadda Exeter iyo ha’yad u ololeyso ilaalinta maroodiga ee Afrika.

Maroodiga ku sugan seeraha Makgadikgadi Pans ee dalka Botswana
Qoraalka sawirka,Maroodiga ku sugan seeraha Makgadikgadi Pans ee dalka Botswana

Cilmi baarayaashu waxay baaritaan ku sameeyeen in ka badan 1,250 maroodi oo lab ah kuwaas ku nool seeraha qaran ee Makgadikgadi Pans ee ku yaalla dalka Botswana.

Maroodiga da’da ah ayaa inta badan u muuqdaa in uu horkaco maroodiyada raxanta ah taasina waxay muujinayaa in uu ka waayo aragsan yahay kuwa kale maadama uu aqoon u leeyahay deegaanka iyo dhul dhaqaasimeedka.

Sirta badbaadada

Maroodiga da’da ah ee kaligii socodka ah ayaa inta badan adag in uu badbado, si kastaba, daraasad la sameeyay ayaa muujineysa in haddii la dilo maroodiga labka ah ee da’da ah ay ‘Masiibo’ ku tahay maroodiyada kale maadama meesha uu ka baxay tiir muhiim u ahaa noloshooda.

“Maroodiga ugu da’da weyn oo leh muddo tobonaan sano ah oo khibrad ah gaar ahaan dhul daaqsimeedka iyo ka faa’ideysiga kheyraadka muhiimka ah, sida ku xusan daraasaddeena, waxay u muuqataa in uu leeyahay awood uu ku hogaamiyo maroodiyada kale ee labka ah” sida ay sheegtay Connie Allen.

“Waxay muujineysa, in maroodiyada da’da yar ee hadda nolosha ku hor leh inay ku tiirsan yihiin kuwa da’da ah gaar ahaan inay gabaad iyo wehel ka raadsadaan marka daaqayaan”

Maroodi daaqaya dhul daaqsimeed ku yaalla webiga Boteti ee ku yaalla Botswana
Qoraalka sawirka,Maroodi daaqaya dhul daaqsimeed ku yaalla webiga Boteti ee ku yaalla Botswana

Maroodiga labka ah wuxuu ka goosta maroodiyada kale kaddib markii uu dareemo in si madaxbanaan uu noolaan karo, waxaa sidoo kale jiraa caddeymo muujinayo in maroodiga deddiga ah iyo midbka labk ahba ay jecel yihiin in si raxan raxan ay iskula socdaan.

Waxaa adag in daraasad lagu sameeyo maroodiga labka ah ee masaafada dheer isaga kala goosha.

Prof Darren Croft oo ka tirsan jaamacadda Exeter ayaa sheegay in daraasaddan ay muujineyso in maroodiga da’da ah uu udub dhexaad u yahay nolosha maroodiyada kale gaar ahaan marka ay timaaddo halka ay ka heli lahaayeen cuntada, biyaha iyo in kuwa yar yar uu ku hogaamiyo sidii ay ku badbaadi lahaayeen”

Raxan maroodi ah oo daaqeysa dhul ku yaalla agagaarka webiga Boteti ee dalka Botswana
Qoraalka sawirka,Raxan maroodi ah oo daaqeysa dhul ku yaalla agagaarka webiga Boteti ee dalka Botswana

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii in ka badan raqda 275 maroodi ah laga helay waqooyiga waddanka Botswana.

Waxaan dhimashadiisa loo aaneeyay sun dabiici ah.

In ka badan 20 maroodi ah ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe kaddib markii uu ku dhacay xannuun looga shakiyay in uu ka dhasha bakteeriyada ama in daal iyo harraad kaddib markii ay soo jareen masaafo dheer si ay u raadsadaan biyo iyo baad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here