Suarez, Ronaldo, Dybala: Shaxda Juventus Ay Dunida Kaga Yaabsan Doonto Xili Ciyaareedka Dambe

0
31

Luis Suarez ayaa kusii jeeda Juventus kaddib laba maalmood oo uu tababarka ku qaatay meel gaar ah oo aan loo ogolaanin inuu ciyaartoyda kale dhex galo, waxaana tallaabadan amray Ronald Koeman oo hore ugu sii sheegay inuu qolka lebbiska u faaruqiyo.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa la sheegay inuu heshiis shaqsi ah u saxeexay Juventus, isla markaana uu qalinka ku duugayo laba sannadood oo uu Turin ka ciyaari doono iyo sannad kale oo dheeraad ah oo doorasho noqon doono.

Muddada uu joogo Juventus, waxa uu Suarez mushahar ahaan u qaadan doonaa €10 milyan oo Euro xili ciyaareed kasta, isaga oo ka garab ciyaari doona xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Bixitaankiisa Juventus, waxa uu soo afjari doonaa muddo lix sannadood ah oo uu Suarez ka ciyaarayay Camp Nou, isla markaana uu dhaliyey 198 gool 283 kulan oo uu u saftay, isaga oo noqday ciyaartoyga saddexaad ee kooxda ugu goolasha badan

Horyaalka Talyaaniga, waxa ku sugaysa Juventus oo iska yeelatay Serie A muddo sagaal sannadood ahna si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay koobka Serie A, waxaanay ka doonayaan inuu gacan ka geysto sidii ay guulahooda maxalliga ah ugu soo guurin lahaayeen dhinaca Champions League oo ay ugu dambaysay inay ku guuleystaan sannadkii 1996kii.

Tababaraha cusub ee Juventus ee Andrea Pirlo, ayaa nasiib u yeelan doona inuu hoggaamiyo shax adag oo ay ku urursan yihiin ciyaartooyo khibrad leh.

Shaxda suurtogalka ah ee Juventus ay ku dheeli doonto xili ciyaareedka dambe:

Goolka: Wojciech Szczesny

Difaaca: Juan Cuadrado, Leonardo Bonucci, Matthijs de Ligt, Alex Sandro

Dhexda: Arthur Melo, Adrien Rabiot, Rodrigo Bentancur

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Luis Suarez, Paulo Dybala

Shaxda oo sawir ah:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here