Axmed-madoobe oo sheegay sababta dib u dhaca shirkii ay Farmaajo la yeelan lahaayeen

0
23
Ahmed Madoobe

Waxa aan ilaa haatan si rasmi ah isugu soo horfadhiisan wadahadalladii maalmahan ba laga dhursugayey in ay magaalada Muqdisho ku yeeshaaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, iyo madaxweyneyaasha dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Dib u dhaca shirkan ayaan xukuumadda federaalka ahi ilaa haatan war rasmi ah ka soo saarin, hase yeeshee madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) oo maanta Muqdisho shir kula yeeshay gudida joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal hayn maalmahan taagnaa oo ah in ay isaga iyo dhiggiisa Puntland diideen in ay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed-madoobe oo sababaynaya sida uu u arko dib u dhaca shirkaas ayaa wuxu yidhi:

“Waxaan idhi hadii shalay Dhuusamareeb shirkii ahaa diidmadu ay ahayd niman baa ka maqan, in aan hadana anaga oo saddex ah intaan shirno hadhow aad na xamataan oo tidhaahdaan aryaa day saddexdii qoyska ahayd baa hada wax shiraysee, masiirka iyaga maa ka talinaaya. Warkaasi war kale waaye, taas inaan shir intaan galno saddexdayadu komunikee soo saarro nooca doorashada ka soo hadallo, warqad kale aan soo saarraa waxay macno tiraysaa nooca shirku yahay iyo imaatinkayagii iyo waxaba”.

Madaxweyne Farmaajo

Qoraalka sawirka,Madaxweyne Farmaajo

Axmed-madoobe oo sidoo kale doonayey inuu iftiimiyo in ay ma huraan tahay in shirkani noqdo mid ay u dhan yihiin hogaamiyeyaasha dawlad goboleedyada idilkood ayaa yidhi:

“Waxaan isla qaadanay markaa in aanay sax ahayne, madaxweynoow waan joogaynaa xamar waa la yimid saaxiibadano ha loo yeedho, hadaan wax kala tabanayno aan wadahadallo labada aqal ha la isu keeno, golaha shacbiga ha la soo reebo, isbiidhkuu ku socdo dib ha loo soo celiyo, aqalka sare ha loo geeyo hore ha loo jiido ha la wadahadlo dadka siyaasadaan ay ka dhaxayso kuligood goobta ha ku wada hadlaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here