CIYAARYAHAN CAAN AH OO WARQAD CUNNO CAAWIN AH UQORTAY BAARLAMAANKA INGIRIISKA!

0
18

London(saxilnews.com)-Ciyaaryahanka Marcus Rashford, ayaa sameeyay guddi-hawleed oo ay ku jiraan qaar ka mid ah shirkadaha cuntada ee ugu waaweyn Britain si ay isugu dayaan inay gacan ka geystaan yareynta saboolnimada iyo gaajada carruurta.22 sanno jirkan weerarka uga ciyaara kooxda Manchester United ayaa si guul leh ugu ololeeyay in ballaadhiyo mashruuc cunto bilaash lagu siin doono ardeyda dugsiyada.

Wuxuu kahadlay waaya aragnimadiisa gaarka ah ee ku aaddan cunto la’aanta iyo in si wadar ah wax la isula cuno ee markii uu yaraa, waxaana lagu amaanay inuu dowlada ku cadaadiyay in ay arrintan qayb ka ahaato.Wuxuu warqad u qoray mudanayaasha baarlamaanka, isagoo faahfaahinaya caawinta uu dareemayo in qoysaska qaar wali ay u baahan yihiin.

Kooxda ka kooban hay’adaha samafalka iyo ganacsatada dukaammada – oo ay ku jiraan Aldi, Asda, Co-op, Deliveroo, FareShare, Food Foundation, Iceland, Kellogg’s, Lidl, Sainsbury’s, Tesco iyo Waitrose – waxay sameeyeen guddi-howleed isla markaana waxay taageereen soo-jeedintii ka timid Istiraatiijiyadda Cuntada Qaranka, dib-u-eegis madax-bannaan oo ku saabsan siyaasadda cuntada ee Boqortooyada Midowday (UK).

Rashford wuxuu sheegay inuu “kalsooni ku qabo” in kooxdu ay gacan ka geysan karto sidii nolosha carruurtaas loogu beddeli lahaa “si ka wanaagsan” sida hadda xaal yahay.

Isaga oo la hadlay waaxda BBC Breakfast, wuxuu sheegay in tallaabada lagu kordhiyay cuntada dugsiyada bilaashka ah ee xagaaga ay ahayd “xal muddo gaaban” oo carruurta gaajo laga ilaalinayo, laakiin “ma socon doonto mustaqbalka fog”.

“Waxay ahayd inaan ka fikirno sida ugu wanaagsan ee aan ku sameyn karno, sida qoysaskan ay cunto u heli karaan waqti dheer,” ayuu yidhi.

Mr Rashford wuxuu rajeynayaa inuu helo, koox weyn oo khubaro ah oo ku hareeraysan, kuwaas oo ka caawiya si uu u caawiyo carruur farabadan.

Guddi-hawleedku waxay ugu baaqeen seddex talo-bixin oo siyaasadeed oo ay soo jeedisay haayadda Istaraatiijiyadda Cuntada Qaranka si ay u maalgeliso dawladda sida ugu dhakhsaha badan.

Kordhinta cunnooyinka iskuulka ee bilaashka ah ee cunug walba oo ka yimaada reerka ku leh Universal Credit ama wax u dhigma, iyadoo la gaadhsiinayo carruur dheeri ah 1.5m oo da’doodu u dhaxeyso toddobo ilaa 16 jir.

Kordhinta cuntada fasaxa iyo waxqabadyada lagu taageerayo dhammaan carruurta cunnooyinka bilaashka ah ee dugsiga, iyadoo la gaadhsiinayo carruur 1.1m dheeri ah

Kordhinta qiimaha cunta wadareedka bilaashka laga bilaabo £ 3.10 ilaa £ 4.25 asbuucii lana balaadhiyo dhamaan kuwa kujira Universal Credit ama kuwa u dhigma, lana gaarsiiyo 290,000 oo caruur ah oo kayar 4 sano iyo haweenka uurka leh

Guddi-hawleedku waxay leeyihiin fulinta saddexda talo waxay astaan u noqon doontaa “tallaabo midaynaysa aqoonsiga xalka muddada fog ee saboolnimada carruurta ee Boqortooyada Midowday”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here