Berlin(saxilnews.com)-Dawlada Itoobiya ayaa ka cadhootay dad itoobiyaan ah oo mudaharaadayay laga wareegay xarunta safaarada itoobiya ee dalka jarmalka gaar ahaan magaalada berlin.
Wakiil u hadlayay safaarada dalka itoobiya ku leeyahay magaalada berlan ayaa dalka jarmalka ku eedeeyay in ay abni daro tahay talaabadaasi.
Dadkan mudaharaadayay ayaa soo dajiyay calanka dalka itoobiya ee ka taagan safaaradooda magaalada berlin
Mudaharadayaashan itoobiyaanka ah ayaa ka gadoodsanaa dilkii faanaankii qoomiyada oromada ee bishii hore lagu dilay magaalada Adis ababa
Wakiilka dawlada jarmalka ufadhiya magaalada adis ababa ayaa ka garaabay falka ay dawlada itoobiya ka cadhootay Ee safaaradeeda ay kula wareegeen mudaharaadayaashu