Shirkad lacag lagu siiyo inay burburiso qoysaska

0
25
Two couples look at the sunset during the first day of spring at Shinmaiko Beach in Tatsuno, Hyogo Prefecture, Japan

Sanadkii 2010, Takeshi Kuwabara waxaa xukun maxkamadeed loogu riday inuu dilay gacalisadiisa, Rie Isohata. Arrinta maskaxda caalamka qabsatay ma ahayn musiibada dilka ah, balse waxay ahayd in Kuwabara uu ka tirsanaa koox lagu magacaabo wakaresaseya – wuxuuna lacag uga qaatay Isohata seygeeda si uu xidhiidhkooda guurka usoo afjaro.

Ninkan ka tirsanaa kooxda qoysaska burburisa ee wakaresaseya, oo isaga qudhiisa lahaa xaas iyo carruur, wuxuu ka shaqeeyay in uu Isohata kula kulmo meel suuq ah. Wuxuu u sheegay inuu yahay nin aan waligiis guursanin oo ka shaqeeya qalabka tiknoolojiyadda. Qaabka uu markaas u muuqday ayaana u ekeysiinayay waxa uu sheegayay.

Halkaas ayey labadooda ka billaabeen xidhiidh jacayl oo markii dambe noqday mid ay isku fahmeen.

Silhouette of a couple at the 60th floor observatory at the Abeno Harukas building overlooking Osaka, Japan

Dhanka kale, nin ay isla shaqeeyaan Kuwabara ayaa sawirro ka qaaday iyagoo isla jooga hoteel ay jacaylkooda ku jilayeen, wuxuuna u geeyay seygeeda.

Sidaas darteed Isohata seygeeda wuxuu sawirradaas caddeyn ahaan ugu adeegsaday kiis maxkamadeed oo uu ku doonayay inuu xaaskiisa isaga furo.

Caddeymaha noocaas ah aad bay muhiim uga yihiin dalka Japan, marka ay nin iyo xaaskiis midkood furriin doonayo.

Markii ay Isohata arrinta dhacday, way ka cadhootay waxayna go’aan ku gaadhay inay xidhiidhka u jarto gacaliyaheeda cusub, Kuwabara. Laakiin isagu raalli kama uusan ahayn inay ka tagto, wuxuuna ku dilay xadhig uu ku ceejiyay.

Muddo hal sano ah kaddib waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Dhibaato soo gaadhay shirkadda Wakaresaseya

Adeegsiga wakaresaseya waxay caawineysaa qof doonaya inuu xidhiidhkiisa soo afjaro isagoo aan dhibaato la kulomin

Qoraalka sawirka,Adeegsiga wakaresaseya waxay caawineysaa qof doonaya inuu xidhiidhkiisa soo afjaro isagoo aan dhibaato la kulomin

Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid shirkadda ka shaqeysa burburinta qoysaska ee wakaresaseya, kaddib markii uu dhacay dilkii Isohata.

Musiibadaas ayaa horseeddat in wax laga baddalo qaabkii ay u shaqeyneysay shirkaddu. Waxaa ku adkaatay inay dhinaca dowladda ka hesho shati ay howlaheeda ku fuliso.

Waxyaabaha kale ee hoos u dhigay waxaa ka mid ahaa in ay qandaraasyada ka diideen shirkadaha ku xayeysiin jiray dhinaca online-ka.

Shacabka ayaa dareen cadho leh ka muujiyay howshooda, sidaasna waxaa ugu adkaatay inay sii shaqeeyaan.

Haddana sidaasoo ay tahay, toban sano kaddib dilkii Rie Isohata, waxaa hadda dib usoo laabtay xayeysiimihii dhinaca online-ka ee loo sameyn jiray shirkaddan, ganacsigeeduna wuxuu u muuqdaa inuu mar kale sare usoo kacayo.

Inkastoo qarashka ay wakaresaseya qaadaneyso si ay qoyskaaga u burburiso uu aad u badan yahay, haddana waa la daneynayaa in la adeegsado.

Soo rogaal celinta wakaresaseya

Shirkaddan wali suuqeeda waa mid qarsoodi ah. Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 270 qof oo ka shaqeysa wakaresaseya lagu xayeysiinayo dhinaca online-ka.

In badan oo ka mid ah waxay la shaqeeyaan hay’adaha sirdoonka ee waddamada, iyagoo ka kaashada sida lagu ogaan karo arrimo badan oo dadka khaas u ah, si ay ugu fududaato inay qofka xidhiidh ula sameeyaan si sahlan.

In ay sii socoto shaqada wakaresaseya waxay muujineysaa in lacagta iyo khiyaanada ay kaalin weyn ka ciyaarayaan burburka xidhiidhada qoysaska iyo lamaaneyaasha, waliba si ka badan sida ay dadka dareemayaan.

Oggolaanshaha furriinka

Stephanie Scott

Qoraalka sawirka,Qoraa Stephanie Scott, oo fadhigeedu yahay London ayaa sharraxday daraasad ay ku sameysay waxqabadka wakaresaseya

“Shirkadda wakaresaseya ay kaa caawineyso in aadan wax buuq ah galin. Xaaskaagu waxay aad ugu badan tahay inay kugu raacdo dalabka furriinka, haddii ay jeceshahay qof kale oo ay dooneyso inay nolol cusub la gasho ruuxaas.” Ayey tidhi Stephanie Scott, oo ah qoraa soo saartay buugaag ka hadlaya jacaylka.

Sidaas darteed arrintan waxay wax tar leedahay marka uu qof ka mid ah lamaanaha kasoo horjeedo in la kala tago, sida ay sheegtay qoraaga.

“Waayo haddii hal dhinac uu diiddan yahay burburka qoyska, waxaa adkaaneysa dacwadda maxkamadda ee la xidhiidhta xaaladdan,” ayey sii raacisay hadalkeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here