RAISUL WASAARIHII HORE EE DAWLADA XAMAR XASAN CALI KHAYRE OO LAGA HOR ISTAAGAY INUU KA DHOOFO GAROONKA DIYAARADAHA EE MUQDISHO

0
19

Muqdisho(saxilnews.com)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli dowladda Soomaaliya ay wado tacadiyada ay ku heyso siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiintii hore

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khudbaddiisa ku sheegay in maalintii Arbacada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu celiyey Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, kadib markii ay is hortaag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Somalia.

Ma shaacin halka uu ku jeeday Khayre, balse wuxuu tilmaamay in loo adeegsaday ciidamadii uu dhisayey saddexdii sano ee uu ahaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

”Maantadan waxaa la ii sheegay nin wasiirada Galmudug ka mid ah oo maanta ka yimid Muqdisho in Airoport-kii lagu celiyey Ra’iisal wasaarihii ninka ahaan jiray in isbraaro loo dhigtay Xasan Cali Khayre.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ”Ciidanka marka haddaan loo sheegin shaqadaada waxay tahay amniga, shaqaada waxay tahay inaad dowladnimada dhowrto, shaqadada waxay tahay inaad Dastuurka ilaaliso oo hub loo dhiibo mooryaanka wuxuu ka bedalan yahay malaha haddii qofkii la rabo loo isticmaali karo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo warkan uu shaaciyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo haatan Soomaaliya ay ku jirto xalaada cakiran iyo marxalad kala guur ah oo la’isku diyaarinayo doorashooyinka 2020/2021-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here