Waa sida ay Masar u aragto xaaladda Libya tan iyo sannadkii 2011-kii, markii jagada laga tuuray hogaamiyihii hore ee Libiya Koroneel Mucaamir Al-Qadaafi iyo dowladiisiba.
Libya hadda kama jirto dowladda awood leh oo dalka oo dhan ka howlgasha iyo ciidmo awood u leh iney xuduudooda ilaashadaan.
Dabka ka shidan Libya ayaa dib usoo laba kacleeyay ka dib markii dadka reer Liibiya ay ku guul dareysteen iney heshiis ka gaaraan khilaafka dhexdooda ah waxayna taasi horseedday in ururada jihaad-doonka ah ay ku xoogeystaan dalkaas gaar ahaan ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.
Masar oo uu militarigeedu afgambiyay madaxweynihii hore, Maxamed Mursi, sannadkii 2013-kii, ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay isaga iyo hogaamiyeyaal kale oo ka tirsan xisbiga Ikhwaanul Muslimiin. Arrintaas ayaa noqotay muhiimmadooda koobaad, waxayna dowladda xoogga saartay Arrimaha gudaha dalka.
- Bishii June ee sannadkii 2014-kii, kuwa wax tahriibiya, waxay dileen lix askari oo ka tirsan ilaalada xadka Masar.
- Sannadkii 2017-kiina, koox jihaad doon ah waxay u soo tallaabtay dhanka Masar waxayna weerartay bar kaantarool oo ay ku dileen 1 askari halka 13 kalana ay dhaaweceen.
- Xitaa gudaha Libya waxaa lagu bartilmaameedsaday shaqaale u dhashay Masar. Sannadkii 2015-kii, maleeshiyo ka tirsan ururka Isku magacaabay Dowladda Islmaamka waxay afduubteen oo ay qoorta ka gooyeen 21 qof oo ah masiixiyiin ahaa oo u dhalatay Masar, taasi oo la sheegay iney la xiriirtay afgambigii jagada looga tuuray madaxweyne Mursi.
Libyadii ka dambeysay Qadaafi ayaa Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ka abuurtay xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amniba.
Guusha Turkiga ee Libya
Dalka Turkiga wuxuu hadda u muuqda in uu gaaray guul ka dib markii uu u soo gurmaday dowladda taagta darran ee Libya ee Qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay oo dagaal adag kala kulmeysay xoogagga Khalifa Xaftar.
Dowladdaas ayaa mar ku dhowaatay in dalka oo dhan uu gacanteeda ka baxo, iyadoo xilligaa Xaftar uu isku deyayay inuu qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Hadda dowladda fadhigeedu yahay Tripoli waxay gacanta ku heysaa inta badan galbeedka dalkaas, waxayna kusii dhowaaneysaa magaalada shidaalka laga soo saaro ee Banqaazi.
Xiisadda Libya waxay u muuqata in ay yeelatay wejiyo kale, ka dib markii baarlamaanka dalka Masar u ansixiyay in ciidamadooda loo diro hawgal dibadda ah oo Libya ay ka fuliyaan, arrintaas oo sida la aaminsan yahay xiisad horleh ku keentay dagaalka Libya.
Inkastoo Masar aysan markii horeba ka marneyn dagaalka Libya, haddana dad badan waxay isweydiinayaan in ay foodda dari doonaan Turkiga iyo inkale? mar haddii ay u tafaxeedatay hawgal ay ka sameeyaan Libya gudaheeda.
‘Khadka cas’
Madaxweynah Masar ayaa sheegay in “Masar ay horey u xaqiijisay in aysan ogolayn in faragelin iyo duullaan shishiiye lagu qaado Libya iyo maamulkeeda, dhaqaaleheeda iyo shacabka Libya intuba,” balse danaha maleeshiyaadkii ay taageereysay oo meesha ka baxaya iyo faragelinta tooska ah ee Turkiga ayaa wax ka badalaya qariidadda awoodda iyo dhaqaalaha kuwaas oo sababay sii kala fogaansho.
Masar waxay filaysay in ay sii socon doonaan wixii dhacayay sannadihii la soo dhaafay, haddana inkastoo aysan rabin faragelin iyo daandaansi, waxaa weli ka go’an difaaca daneheeda amniga qaranka, wayna fahamsan tahay muhiimadda ay arrintaas u leedahay Libya.
“Haddii kooxaha taageersan Turkiga ay sii wadaan duullaanka ayna ka gudbaan khadka cas – inkastoo aan la fileynin taas – Masar waxay ku qasbanaaneysaa in ay difaacdo danaha la xiriira amnigeeda qaranka”.
Dalalka Masar iyo Turkiga oo ah labada dal ee ugu awoodda badan Bariga Dhexe ayaa la aaminsan yahay in aysan waxba is-dheereyn marka la eego qiimeynta dhanka awoodda militariga ee dhawaan uu soo saaray wargeyska Global fire power oo ka faallooda arrimaah ciidanka.
Jahwareerka aan la saadaalin karin
Dadka dhex-dhexaadka ka ah arrimaha Libiya ayaa sheegaya iney suuragal tahay in Masar ay xaalad adag kala kulanto dagaalka Libiya.
Waa macquul in millatariga Masaaridu uu ka feejignaado faragalinta, gaar ahaan khadadka dheer ee udhaxeysa Masar iyo bartamaha Liibiya oo ah goobta uu ka dhici karo isku dhac kasta oo dhexmari kara.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sidoo kale sheegaya in militariga Masar aysan dagaal fool-ka-fool gelin tan iyo 1973-dii oo ay dagaal kula gashay Israa’iil kanaalka Suweys iyo saxaraha Siinaay.
Dagaalkii ugu dhowaa oo ahaa mid aan weyneyn waxay la gashay maleeshiyada islaamiyiinta ee ka dagaalama waqooyiga Siinaay, waxaana la aaminsan yahay ineysan guul la taaban karo ka gaarin.
Dagaalka ay militariga Masar la galeen maleeshiyada waxay xitaa cadeyn u noqon kartaa in Masar ay xaaladda ku adkaan karto.
Hadda se dalka Masar waxaa u furan laba waddo oo keliya:
- In ay sida ugu dhakhsiyaha badan u qaaddo tallaabo looga hortagayo in la qabsado Jufra and Sirte, taas oo ay suuragal tahay in ay xaaladda uga sii darto.
- Ama waa in ay sugto illaa dhinaca kale ay ka soo gudbaan khadka cas, taasi oo cadeyn u noqon karta in Masar iyo xulafadeeda ay ka caga jiideen tallaabadii ay qaadi lahaayeen.