Man United Oo Ku Baryaysa Kooxaha Kale Ee Yurub Inay Ka Iibsadaan Eric Bailly & Koox

0
32

Eric Bailly ayaa loo bandhigay AC Milan laakiin kiooxda Serie A ka dhisan ayaa iska soo diiday sida ay sheegayaan wararka.

Daafaca dhexe ee Ivory Coast ayaa boos joogta ah ka waayay Okd Trafford iyadoo ay dhaawacyo la degeen mar kale.

Qandaraaska 26 jirkaan ayaa dhacaya 2022 laakiin Red Devils ayaa raadineysa inay lacag kaash ah ku hesho si ay daafac cusub ugu soo iibsadaan xagaagan.

Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in daafaca Man United loo bandhigay kooxda San Siro ka dhisan iyadoo kooxda Talyaaniga ay suuqa ugu jirto daafac dhexe.

Si kastaba, tababaraha kooxda Stefano Pioli iyo madaxda kooxda ayaan xiiseyneynin xiddiga reer Ivory Coast.

Bailly ayaa kaliya ku soo bilowday hal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii dhamaaday isagoo sidoo kale seddex kulan bedel ku soo galay sababo la xiriira dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray jilibka.

Tan iyo markii uu Old Trafford kaga soo biiray Villarreal afar xilli ciyaareed ka hor, xiddiga Ivory Coast ayaa saftay kaliya 84 kulan.

Harry Maguire iyo Victor Lindelof ayaa ahaa labada daafaca dhexe ee uu Ole Gunnar Solskjaer ku soo shirtagayay xilli ciyaareedkan.

Laakiin iska garab ciyaaristooda xilli ciyaareedkan ayaa walwal gelisay kooxda iyadoo Solskjear uu doonayo daafac cusub.

Tababaraha reer Norway ayaa u sheegay madaxa Red Devils Ed Woodward inuu doonayo weeraryahan cusub, xiddig garab ka ciyaara iyo daafac dhexe.

Laakiin Woodward ayaa u sheegay in sida kaliya ay kooxda wax ku soo iibsan karto inay tahay inay ciyaartoy iska iibiso, waana sabbata Eric Bailly loogu baryayo kooxaha kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here