“Hooyadey waxay ahayd saaxiibtey, nolosheyda. Saaxiib aan iyada ahayn ma lahayn, lataliye aan iyada ahayn ma qabin”, ayey tiri Aamina Aadan oo ay dhashay Dr. Xaawa Cabdi oo BBC Somali la hadashay Arbacadii.
“Waxay na dhihi jirtay ‘hooyo dalkaaga iyo dadkaaga daacad u noqo, daacadna ugu shaqee’. Hadalladeeda ayaa daqiiqad walba oo hadda ah igu soo dhacayo”.
Alle ha u naxariistee, Dr Xaawa Cabdi waxay ka mid ahayd dhakhaatiirtii ugu horeysay ee Cudurada Dumarka ka shaqeeya ee gudaha Soomaaliya.
Waxay 1983-dii furatay isbitaal hal qol ah, waxayna ku daweyn jirtay hooyada iyo dhallaanka.
“Meesha hadda laygu yaqaano (ee deegaanka Xaawa Cabdi) waxaan ka furay isbitaal hal qol ah oo loogu talagalay dumarka miyiga deggan ee habeenkii foolanaayo”, ayey tiri Dr. Xaawa Cabdi oo BBC Somali la hadashay 2009-kii.
Xaawa Cabdi ayaa sheegtay in dadka qaar ee xilligaas aysan aaminsanayn isbitaalka. “Waxaan qaadan jirnay baabuur, waxaanna israaci jirnay dad caafimaadka yaqaano”, ayey tiri.
“Markaan miyiga tagno dadka qaarna way carari jireen, qaarna way inoo imaan jireen. Waxaan bareynay caafimaadka qiimaha uu leeyahay. Waan baari jirnay, dawooyiin bilaash ahna waan siin jirnay.”
Batuula Dheere Faraj ayaa sheegtay in naaneysteeda Baluush ay u bixisay Dr. Xaawa Cabdi oo ay isla soo shaqeeyeen.
Waxay sheegtay: “Waan isla soo shaqeynay. Meesha (xarunta Xaawa Cabdi) ban tababarka ku soo qaatay. Umuliso waan noqday, qeybna waan maamulayay. Umad badan bay wax u soo qabatay, Soomaali oo dhanna way u gargaartay”, ayey tiri.
Isbitaalka Xaawa Cabdi ayaa markii dambe noqday goob wayn. Waxaa laga sameeyay qeyb dad barakacayaal ah lagu quudiyo, iskuul iyo goob tababarada caafimaadka lagu bixiyo.
Markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay, xarunta Xaawa Cabdi waxaa ku qaxay dad badan oo colaadda ka cararayay.
“Dadkii ka soo cararayay dhinacyadii ku dagaallamay Muqdisho, meeshii ugu dhoweyd ee ay ku nasan kareen ee biyo ay ka cabi kareen ayey noqotay. Halkaas baan ku soo dhoweynay.”
Faaduma Maxamuud Xasan, waxay xerada quudinta ee Xaawa Cabdi ku tiirsanayd muddo 15 sano ah: “Dawada lacag la’aan bay ahayd, dahabkeena intay gatay ayey mishaari noo karin jirtay, wax walbo ayey noo qabatay,” ayey tiri.
Sida ay Xaawa Cabdi BBC u sheegtay 2009-kii, dadkii ugu badnaa ee xilligaas qaxa ahaa waxay hadda ku sugan yihiin Yurub iyo qaarado kale.
“Waxaa inoo hartay qeyb aan aqoonin meel ay ku noqdaan, guryahoodiina dhibaato ku dhacday, nololna magaaladii ka waayay. Waxay ahaayeen illaa 460 qoys, illaa iyo haddana way ku sugan yihiin”.
Halyey ay malaayiin qof ku deydaan
Muddadii ay socdeen colaadihii ee 1991 illaa dagaalladii sokeeye, Dr. Xaawa Cabdi dalka kamaysan qixin, waxayna ka shaqeyneysay arrimaha gargaarka iyo caafimaadka.
“Qofna iskama tirtiri karo waxa uu yahay. Dalka waan jeclaa, meel kale oo aan ku noolaan karo dunida in ay jirtaba ilama noqonin. Nafteyda keligeed in aan badbaadsado, anigoo intaas oo qof ay hoostayda joogto, way ila cuslaatay. Waxaan jeclaa in intii joogtay iyo anigaba in aan isla badbaadno.
Gabadheeda Aamina Aadan ayaa ballan qaaday in howshii hooyadeed ay sii wadayaan: “Hooyo shaqadeeda iyo dhaxalka ay ka tagtay ma lumi doonaan. Shaqadeeda way socon doontaa, waana wadi doonnaa hadduu Alle idmo”.
Sara Robbins oo ay buug isla qoreen DR. Xaawa Cabdi, ayaa BBC Somali u sheegtay in ay “muuqatay in ay ahayd hoggaamiye geesi ah. Waxay ahayd qof aan ka daalin habkii ay ugu shaqeyneysay Soomaaliya”.
“Waxay ahayd haweeneydii ugu horeysay ee ku taqasustay cudurada haweenka ee Soomaaliya taas oo ka dhigtay halyey ay tusaale u soo qaataan malaayiin qof oo gabdhaha Soomaalida ay ka mid yihiin”.
Xaawa Cabdi waxaa lagu tilmaamay qof udub-dhexaad u ahaa Soomaaliya xilli ay dhibaatooyiin badan ay dalka ka jireen.
Xilligii ciidamadii ka socday Mareykanka iyo dalal kale ay ku sugnaayeen Soomaaliya, Xarunta Xaawa Cabdi oo ay ku tiirsanaayeen dad ay abaaraha soo qixiyeen, waxaa booqday madaxweynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bush.
Xaawa Cabdi oo dhakhtar ahayd muddo 49 sano ah, ayaa caafimmaadka baratay sannadkii 1971-dii, xilligaas oo ay dalka ka jirtay dowladdii dhexe. Waxaa ay ka soo shaqeysay xarumo caafimmaad oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in ardaydii ay wax soo bartay ay haatan ka shaqeeyaan deegannada Soomaalida iyo dalal badan oo caalamka.
Markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, 1991, xarunteeda waxaa buux dhaafiyay dad ka cararayay colaadda, ka dibna waxay bilowday hay’addeeda DHAF si dadka ay u caawiso.
Hadda DHAF waxay ka kooban tahay isbitaal, iskuul iyo xarunta quudinta. Waxay bixisaa aqoon, daryeel caafimaad iyo hoy iyo tababaro la siiyo dadka barakacay ee u badan haween iyo carruur