“Dhagaha ayaan ku beelay qaraxyadii waaweynaa ee Beirut”

0
18
.

Waxaa wali isa soo taraya wararka la xiriira qaraxyo waaweyn oo ka dhacay caasimadda Lubnaan ee Beirut. Dad gaaraya 78 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qaraxyada, halka dad ka badan afar kun oo qofna ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada oo gilgilay caasimadda Beirut ayaa argagax geliyay dadka shacabka, waxaana sida ay sheegeen dad goobjogayaal ah soo daatay muraayadaha dhammaan dhismayaashii ka ag-dhawaa goobta ay qaraxyadu ka dhaceen.

“Si lama filaan ah waxaan beelay dhagaha, maadaama aan aad ugu dhawaa halka ay wax ka dhaceen, waxaan dareemay inay wax khaldan yihiin, waxaa inagu soo daatay muraayadaha dhismayaasha”, ayuu yiri Hadi Nasrullahi oo ku sugnaa meel an ka fogeyn halka ay wax ka dhaceen ee magaalada Beirut.

Laith oo sidoo kale kamid ah dadka ku nool caasimadda ayaa BBC-da u sheegay in dhisma ay ka dukamaeysanayeen muraayadihiisa ay kusoo daateen, markiina uu shidmay gambaleelka dagaalka, taas oo argagax horleh ku abuurtay dadka.

“Muraayadhii ayaa dadka waxyeeleeyay, markiina waxaan dibadda uga soo baxnay dhismaha”, ayuu yiri Laith.

Maxaa sababay qaraxyada?

.
 

Mas’uuliyiinta ugu sareysa wadanka Lubnaan ayaa sheegay in baaritaanna horudhac oo la sameeyay ay muujinayaan qaraxyada ay ahaayeen shil ee aan si ula kac ah loo fulin.

Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Hassan Diab ayaa sheegay in maadada ammonium nitrate oo ku keydsaneyd makhaasiin ku yaala dekedda magaalada Beirut uu sababay qaraxyada waaweyn.

Ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in la la’ yahay dad badan, kuwaas oo la aaminsan yahay inay ku hoos xaniban yihiin dhismayaasha burburay.

Ra’iisal wasaare Xasan ayaa qaraxa ku tilmaamay musiibo, waxaana uu wacad ku maray in lagula xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ah.

Waxaa maalmahan ay xiisad u dhaxeysa ciidamada Israel iyo kooxo la aaminsan yahay inay katirsan yihiin Xisbullah-da Lubnaan, kuwaas oo ku dagaalamay xadka Israel iyo Suuriya.

Ciidamada Israel ayaa maalma kahor duqeymo la bartilmaameedsaday kooxo ku sugneyd meel aan ka fogeyn caasimadda Dimishiq ee Suuriya

Afar kun ayaa ku dhaawacmay
Qoraalka sawirka,Afar kun ayaa ku dhaawacmay

Haseyeeshee mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dalkiisa aanu wax lug ah ku lahayn qaraxyada Beyrut.

Xukuumadda dalkaas ayaa ku dhawaaqday muddo saddex cisha oo loogu baroordiiqayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxyada. Dhanka kale dalalka goblka iyo kuwa badan oo caalamka ayaa ballan qaaday in taageero caafimaad iyo midkaleba ay u dirayaan Lubnaan.

Qaraxyada ayaa laga maqlay jasiiradda Khubrus oo Beyrut u jirta ilaa 240 KM, kuna taala bariga Mediterranean-ka.

Madax badan oo caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyay musiibada halkaa ka dhacday. Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa bartiisa Twitter ku qoray: “Sawirrada iyo muuqaallada caawa ka imanaya Beyrut waa kuwo argagax leh. Waxaan u duceynayaa dhammaan dadka ku waxyeelloobay dhacdadaasi argagaxa leg.”

Waxa uu intaa raaciyay in dowladdiisa ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay shacabka Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here