SADEX RUUX OO KU GEERIYOODAY BAS CAASIYA OO SHIL KU GALAY BUURTA SHEEKH

0
17

Sheekh(saxilnews.com)-Shilkan oo Goordhoweyd ka dhacay Buurta Sheekh ayaa sida lasheegay waxaa ku geeriyoodey Sadex Qof Tiro kalena Wayku dhaawacmeen.

Shilka Baabuur ayaa ka dhashay bas yar oo caasiya oo ah nooca ukala gooshay gobolada dalka oo buurta kasoo daadagayay oo bilaa bireeg noqday kadibna buurta afka hore ku dhuftay waxaana sidaa noo xaqiijiyay mid kamida dadka ku nool Tuulada Hundisa oo goobta shilku kadhacay tagay.

dhimashada dadka geeriyooday Alle Ha Unaxariistee iyo kuwa dhawaacmay waxa la keenay Cisbataalka Degmada Berbera.

Gudaha Somaliland Mudooyinkii Dambe waxa soo badanaayay shilalaka gaadiidka ee ay naf waayayaan dadka tiro badani maal iyo hanti badanina ku baaba,aysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here