Diyaarad Ciidan oo ay Kenya leedahay oo ku bur burtay Gudaha Somalia+Khasaaro dhimasho & Dhaawaca oo ka dhashay

0
16

Diyaarad Ciidan oo ay Kenya leedahay oo ku bur burtay Gudaha Somalia+Khasaaro dhimasho & Dhaawaca oo ka dhashay

 

Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhashay shil diyaaradeed oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaaradan oo ah nooca xamuulka qaada ee lahaayeen milatariga Kenya ayaa bur burtay xili garoonka diyaaradaha Dhoobley ay ka degeysay, walina lama oga sababta rasmiga ah ee shilkaasi keentay.

Dadka ku dhaqan Dhoobley ayaa sheegay in diyaarada bur burtay uu dab qabsaday markii ay garoonka kusoo dageysay, waxaana shilkaasi bur bur xoogan uu kasoo gaadhay diyaaradaa ay lahaayeen Milatariga Kenya.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi diyaaradeed halka sadex kalana ku dhaawacmeen, waxaana milatariga Kenya bilaabeen baadhitaano ku aadan sababta shilkaasi dhalisay.

Diyaarado ay leeyihiin milatariga dowlada Kenya ayaa saanado kala duwan u geeya ciidamada Kenya ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga qeybo kamid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here