Gooldhaliyaha reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang ayaa mar kale ka dhabeeyey mucjisada ciyaareed ee uu ku soo bandhigayo garoonka Wembley ka dib markii kooxdiisa Arsenal uu ka caawiyey inay ku guulaysto koobkii 14-aad ee tartanka FA Cup-ka ee ugu faca weyn aduunka, ka dib guul 2-1 ah oo ay ka garaacday naadiga Chelsea.
Chelsea ayaa ciyaarta hoggaankeeda qabatay shan daqiiqo gudahood iyadoo kubad qurux badan oo ay isku dhiidhiibeen kooxda dharka buluuga ugu dambeyntii uu lugta la helay weeraryahanka Ameerikaanka u dhashay Christian Pulisic, laakiin waxay la hayste iyo dhibane u noqdeen wacdaraha.
Aubameyang,kaasi oo ahaa halyeeyga Arsenal ee ciyaartan iyo tii ka sii horreysay ee ay ku soo gaareen heerkan oo laba gool oo uu dhaliyey kaga soo guulaysteen Manchester City, kulankii afar dhamaadka.
Goolka koowaad ee Aubameyang ayaa ahaa gool ku laad uu kooxdiisa u dhaliyey daqiiqadii 28-aad, iyadoo rigoorahaasi uu ku yimid qalad uu ku galay kabtanka Cheslea Cesar Azpilicueta, laakiin goolka labaad ayaa ahaa mid ay in badan xusuusan doonaan mucaashiqiinta kubada cagta.
Chelsea qaybtii hore ee ciyaarta waxaa dhaawac uga baxay kabtankooda Azpilicueta iyagoo wixii intaasi ka dambeeyey la daalaa dhacayey weerarka Arsenal, waxaase xaaladu ku sii xumaatay markii uu isna dhaawac noqday Pulisic.
Mashaqadii Chelsea haystay waxay ka sii dartey daqiiqadii 73-aad markaasi oo kaarka cas loo taagay Mateo Kovacic kaasi oo sida muuqatay kaarka jaalaha oo wax lagu tilmaamay in uu ahaa deg deg uu ugu taagay garsoore Anthony Taylor.
Guusha Arsenal ay ku hanatay koobkan oo ay timid 21 mar ciyaarta finalka ayaa waxay uga dhigan tahay in tababaraha Arsenal Mikel Arteta oo taariikh u dhigay kooxdiisa isagoo noqday qofkii ugu horreeyey ee koobkan ku guulaysta isagoo ciyaaryahan ah iyo isagoo tababare ah.
Gushaan ayaa Arsenal sidoo kale u sahashay iney xilli ciyaareedka dambe ka qeyb gasho tartarnka koobka Europe league.
Guuldarada Chelsea waxay ka macno tahay in sadeex jeer toban ciyaaraha final-ka ee koobka FA laga badiyey, iyadoo sadexdaasiba ay ka badisay Arsenal.
Arsenal guushaan waxay uga dhiga tahay in tan iyo 2002-dii todobo mar oo ay timid final-ka FA cup-ka ay ku guulaystay, mana jirto koox intaasi mar oo isku xigta final-ka timid.
Arteta waxaa kale oo uu noqday tababarihii ugu horreeyey ee Arsenal ee sanadkiisa ugu horreeya ku guulaysta koob tan iyo George Graham oo sidaasi sameeyey 1986-87.
Goolka uu dhaliyey Christian Pulisic ee lagu furay goolasha ciyaartan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ciyaaryahan Mareykanka u dhashay uu ku dhaliyo kulanka final-ka.
Goolhayihii Chelsea u hayey goosha Willy Caballero oo 38 sano iyo 308 maalmood jira ah ayaa noqday goolhayihii ugu da’ada weynaa ee Chelsea goosha u qabtay ciyaarta kama dambeysta ah ee FA cup-ka