Ugaarsigeygii shaqada: ‘Meel kasta codsi waan u diray, balse shirkado yar baa jaawaabta diidmada ah ii quuray’

0
24
Nick iyo Emily McKerrell

Shahaadooyinka koobaad iyagoo haysta ayay sannado shaqo la’aan yihiin, Nick iyo Emily McKerrell ayaa waxay ka sheekeynayaan dhibaatada ay ka marayaan raadinta shaqada waxayna taasi tusaale u tahay sida ay shaqo baahsan ay u jirto.

Dhibaatada haysata ma ahan shaqo la’aan oo keliya, waxaa kale oo ay la amakaageen shirkadaha aan xitaa jawaab u soo celineyn marka ay codsigooga gudbistaan, waxay sheegeen in shirkada yar oo kaliya ay ka heleen jawaabta diidmada waxayna taasi ku abuurtay carqalad oo waxay u arkaan in la yasayo.

Emily, waa 28 sanno jir oo deggan magaalada Manchester waxay haatan ka shaqeysaa shaqo ay ka hesho nolol maalmeedkeeda balse waxay raadineysaa shaqo u qalanto wixi ay soo baratay.

“ilaa haatan waxaan codsaday 30 shaqo oo kala duwan waxaana jawaabta diidmada ka helay 3 shirkadood oo kaliya halka dhammaan kuwii kale aanay jawaab xitaa ii quuri waayeen. Waxaan codsaday meelkasto ha noqoto shaqa dukaan, maqaayad ama xitaa gobaha soo dhoweynta.”

“Waxaa igu darnayd markii aan codsi u diray shirkad shaqo soo xayeesisay oo ay muddo 15 daqiiqo gudohood ay jawaab diidmo ah i siisay. Sidee ayay muudaadaasi yar ugu akhrin karaan waraaqahaygii codsiga?

Waxaa dhibaato taas la mid ah maraya Nick oo ah seeyga Emily oo shahaadada koowaad ka haysta maadada seeyniska beeraha. Waxa uu shaqooyin codsanayay tan iyo bishii Maasro waxa uuna haatan sheegaya inuu galayo shaqo walbo oo uu lacag ka helayo heerkey doonto ha ahaatee.

“Waa dhibaato inteeda la’eg ah marka laguu aamuso adigoo codsi dirsaday.” ma doonayaan shaqaale wanaagsan? Xitaa haddii ay shaqooyinka qaar aysan ii qalmin, waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo shaqaale wanaagsan, sidaa darteed i shaqaaleysiiya. I shaqaaleysiiya!”

Haddii dhaqaalaha lammaanahan uu si dhakhsiya isugu baddali waayo waxay dantu ku khasbeysa iney dib ugu laabtaan guriga waalidiinta Emily.

Dhibaatada ay lammaanahan ka marayaan shaqa raadinta ayaa waxay cadeyneysaa wixii ay dhaqaale yahannada sheegayeen muddo badan: Xaaladaha shaqo raadinta ee bilihii la soo dhaafay ayaa aad sare ugu kacay.

Sawirada hoose waxay muujinayaan macluumaad laga soo uruuriyay shaqooyinka lagu dalbado dhanka online-ka ee UK iyadoo isbar-bardhig lagu sameeyay bishii Janaayo-july ee 2019-kii iyo Janaayo-July ee 2020.

Job searches
Job searches
Job searches

Ilaa 14 milyan oo codsi shaqo ah ayaa online-ka lagu dalbaday waxaana ay tirada sannadkan korortay boqolkiiba 73%. Dhammaan dadka dalbaday shaqooyinkaasi waa dad xirfad leh laakin waxaaba ku adkaatay iney helaan shaqooyinka iska caadiga ee xamaaliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here