Maraykanka: ‘Waxaan tallaabo ka qaadaynaa qaswadayaasha waxyeelaya dawladnimada Soomaaliya’

0
20
Ambasadoor Yamamoto
Qoraalka sawirka,Ambasadoor Yamamoto

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay qaabka ay u dhacday xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaana war-bixin qoraal ah oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka xun tahay ficilladii madaxweynaha iyo aqalka hoose ee baarlamaanka ee ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda, taa oo la sheegay in ay xagal daacineyso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Safaarada ayaa intaa ku dartay in habraacii khaldanaa ee baarlamaanka uu dib u dhac u keenayo qorshihii dib u habeynta iyo taageerada Maraykanka uu siinayay Soomaaliya.

Waxaana safaaradda ay sheegtay in “xasilooni, ammaan iyo horumar lagu gaari karo oo kaliya wax wada qabsi iyo hogaamiyaasha Soomaaliyeed oo ay meel dhexe isugu yimaadaan”.

“Haddii shaqsi ama hay’ad ay raadiso inay awoodda kaligeed maroorsato waxa ay carqaladaynaysaa xasiloonida qaranka oo dhan.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

“Safaarada Maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.”

Safaarada ayaa ugu baaqday Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedyada, Golaha Shacaba iyo qeybaha kale inay sii wadaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.

Sidoo kale Maraykanka ayaa ugu baaqay dhammaan hogaamiyaasha Soomaalida iyo saamileyda inay danaha qaranka ah ka hormariyaan danahooda gaarka ah.

“Waxaan tallaabo ka qaadi doonaa qaswadayaasha doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida, dowladnimo loo dhan yahay iyo horumarka. Ma dooneyno in Soomaaliya ay waddo qaldan raacdo,Maraykanku waxa uu marwalba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha danta dalkooda ka hormariya tooda gaarka ah.”ayaa lagu soo gunaanuday qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Khayre. Kaddibna waxaa xigay in war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya lagu aqbaly baaq baarlaanka ee xil-ka qaadista Xassan Cali Kheyre.

Maxuu Guddoomiye Mursal ku sababeeyay xil ka qaadista Xassan Cali Kheyre?

Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan
Qoraalka sawirka,Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan

Guddoomiya Mursal ayaa ku eedeeyay xukumadda Kheyre inay ku guul dareystay arrimo dhowr ah oo muhiim u ahaa qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah. Qodobada uu Guddomiye Mursal sheegay inay xukumadda Khayre ka gaabisay waxaa ka mid ah:

  • Diyaarinta hanaan iyo qorshe cad oo lagu gaaraya doorasho qof iyo cod ah 2020/2021
  • Dhameystirka federaaleynta heerarka kala duwan
  • Go’aan ka qaadashada maqaamka caasimadda ka hor wakhtiga doorashada
  • Afti u qaadista iyo melemarinta dastuurka
  • Hirgelinta nidamka axsaabta siyaasadeed
  • Diyaarinta ciidmo amniga sugan heer federaal iyo dowlag goboleed ah doo sugo amniga doorashada
  • Diyaarinta qoondadii dhaqaale ee lagu qabna lahaa doorashada oo ana lagu soo darin miisnaayidda 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here