Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay riditaanka xukuumadda Kheyre

0
18
Josep Borrell

Madaxa arimaha dibedda iyo ammaanka ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in hannaankii uu Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya u maray kalsooni kala laabashada xukuumadda ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu ahaa “mid aan buuxin shuruudaha dastuuriga ah”.

Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay waxbadan u dhiman yihiin marka laga hadlayo doorasho ay shacabka u codeeyaan madaxdooda, inta xilligaasi laga gaaranaya ay hogaamiyayaasha siyaasadda dalka mas’uuliyad ka saaran tahay siyaasad qaran oo is ogol ku dhisan.

“Midowga Yurub waxa uu si taxadar leh u dersi doonaa wixii Sabtadii dhacay, cidda mas’uulka ka ah iyo inta ay xaaladdaasi Soomaaliya ka weecin karto horumarka ay sameynayso,” ayuu yiri Borrell oo war saxaafadeed ka soo saaray arimaha Soomaaliya.

Warka Midowga Yurub ayaa waxaa ka horreeyay mid ka soo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo sidoo kale sheegtay in habraacii baarlamaanka uu dib u dhac u keenayo qorshihii dib u habeynta iyo taageerada Maraykanka uu siinayay Soomaaliya.

Waxaana safaaradda ay sheegtay in “xasilooni, ammaan iyo horumar lagu gaari karo oo keliya wax wada qabsi iyo hogaamiyaasha Soomaaliyeed oo ay meel dhexe isugu yimaadaan”.

“Haddii shaqsi ama hay’ad ay raadiso inay awoodda keligeed maroorsato waxa ay carqaladaynaysaa xasiloonida qaranka oo dhan.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

“Safaarada Maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.”

Safaarada ayaa ugu baaqday Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedyada, Golaha Shacaba iyo qeybaha kale inay sii wadaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here