Abaal Marinta Xidig Sanadka Premier League Ee PFA Oo Dib Loo Dhigay Xili La Sugayay Guulaystayaasha.

0
24

Xidhiidhka xirfadlayaasha kubbada cagta ee Professional Footballers’ Association ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dib loo dhigay waqtigii la shaacin lahaa guulaystaha abaal marinta xidiga sanadka Premier League ugu fiican ee PFA player of the year.

Shaacinta go’aanka PFA ee in dib loo dhigay shaacinta abaal marinta ugu qiimaha badan Premier League ayaa ku soo beegantay xili la sugayay in lagu dhawaaqayo guulaystaha abaal marintan ee horyaalka Premeir League.

Xidhiidhka xirfadlayaasha kubbada cagta England ee Professional Footballers’ Association ayaa go’aanka dib udhigista abaal marinta PFA waxay u adeegsadeen sababta karoonaha iyo in xili ciyaareedka waqtigiisii la dhaafiyay.

 

Lama oga waqtiga rasmiga ah ee xili ciyaareedkan la bixin doono abaal marinta laacibka sanadka ee horyaalka Premeir league ugu fiican waxayna PFA shaaciyeen in ay wali ka shaqaynayaan waqtiga ugu haboon ee ay abaal marintan bixin karaan.

Sanad kastaba waxaa la qabtaa xaflada ugu wayn kubbada cagta England oo ay soo abaabulaan Professional Footballers’ Association laakiin iyada oo waliba go’doonka fayraska karoona uu ka jiro UK, waxay waqti aan la ganayn dib ugu dhigeen bixinta abaal marintan.

War rasmi ah oo ka soo baxay Professional Footballers’ Association ayaa lagu yidhi: “Waxaanu arkaynay warar sheegayay in PFA ay caawa ku dhawaaqayso abaal marinaha. Inkasta oo aanu ugu faraxsanahay sidiina in aanu ogaano guulaystayaasha, nasiib daro maqribnimadan kuma dhawaaqi doono”.

Qoraalka PFA ayaa la sii raaciyay: “Sababtu waa in xili ciyaareedka waqtigiisii la kordhiyay iyo faafaha karoonaha, wali waxaanu ka shaqaynaynaa in qaabka ugu fiican ee aanu idiinku keeni karno abaal marinaah. Inta waqtiga lagu jiro waanu idin soo war galin doonaa”.

Maanta oo jimce ahayd ayaa la bixiyay abaal marinta xidiga xili ciyaareedka Premeir League ugu fiican ee ay bixiyaan qorayaasha kubbada cagta England ee Football Writers’ player of the season waxaana la sugayay in PFA ay iyaguna abaal marinta xidiga sanadka ee PFA player of the year bixinayaan.

Jordan Henderson, Kevin De Bruyne, Sadio Mane iyo Virgil Van Dijk ayaa ah ciyaartoyda ku tartamaya abaal marinta waqtigeedii dib looga dhigay ee PFA laakiin waxay abaal marintani kaga duwan tahay kuwa kale oo dhan in ciyaartoyda horyaalka Premier League ay dhamaantood codeeyeen waxaana guulaysta midka codka guu badan hela.

Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhka xirfadlayaasha kubbada cagta England ee PFA ayaa hadda si rasmi ah u shaaciyay in caawa aan la shaacin doonin guulaystaha isla markaana ay waqti aan la sii sheegin ka shaqaynayaan in la bixin doono abaal marintan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here