Gaajada ka bax baan guntiga ku hayee mahadan galay geereshkedi?

0
23

Gaajada ka baxbaan Guntiga u xidhee ma hadan galay geerashkeedii.
Berberi & dadkeedu waxay in badan u samraayeen niyada u sheegayeen inay heli-doonaan laydh jaban oo danyarta kulaylku dishooday maruun ku nafisi doonaan, fursadaasi waxay u egayd in maanta la gaadhayWaxaa in badani ku niyad qaboobaayeen, markii ay arkeen dawlada imaaraadka Ee dubai inay berbera ugu deeqday 7 mg watt oo dabka cadceeda laga dhaliyo ah
Qiimihiisana lagu sheegay inuu gaadhayo $ 7,500,000.
Nasiib-darada ku habsatay mashruucaa ee hadal hayntiisu baxday waxay noqotay Markii ay soo baxday odhaah ah laydhkii qiimahaas joogay ee berbera loo deeqay, in gacanta loo gelinaayo qawlaysatadii aan la mahadin, ee hore ula wareegay warshadii laydhka,iyo dhamaan agabkii mishiinadii iyo xadhkihiiba, ee aan wanaaga laga dhaxlin.
Yididiiladiina waxay marqudha isu bedeshay Kelmadii ahayd Gaajada ka bax baan guntiga u xidhee, ma haddaan galay geerashkeedii. In marlabaad la galay gacan aan tudhaale lahayd & ganacsato macaash raadis ah.

Dadka reer berbera waxay ka doorbidayaan inay solar system kaasi u gacan galo qoladaa ku fashilantay warshada laydhka 2 mid uun:-
1) in golaha deeganka berbera lagu wareejiyo oo mandate u haysta inay maamulan adeegyada asaasiga ah sida biyaha, laydhka, caafimadka iyo waxbarshada.
2) in shirkada DP world lagu wareejiyo oo imikaba kab siisa warshada laydhka ahna customer ka ugu weyn ee laydhka isticmaala.

Wa bilaahi tawfiiq: subeer issa mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here