Ku dhawaad kalabar ka mid ah dadka dhintay waxay da’dooda u dhaxeysay 30 ilaa 69 sano, afar meeloo meel ka mid ahna waxay ahaayeen carruur, sida ay daraasadda caddeysay.
Saddex nooc oo ka mid ah masaska, oo uu ku jiro midka loo yaqaanno kobra ayaa sabab u ah dhimashada ugu badan. Tirada kale ee soo hartay waxaa dilay ugu yaraan 12 nooc oo kale oo masas ah.
Weerarro badan oo masaska ay geysteen ayaa durbadiiba isu baddalay dhimasho, maadaama goobaha ay ka dhaceen ay yihiin meelo miyi ah oo aan si dhakhso ah looga heli karin adeeg caafimaad.
Kalabar ka mid ah dhimashadaas waxay dhacday xilliyada fatahaadaha oo ah muddada u dhaxeysa bilaha June iyo September, xilligaasoo masaska lagu yaqaanno inay dibadda usoo baxaan. Inta badan dadka dhintayna waxaa laga qaniinay lugaha.
Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska eLife ayaa waxaa sameeyay khubaro caalami ah iyo kuwo Hindiya u dhashay.
Waxay daraasaddu ku saleysan tahay xog laga soo aruuriyay daraasad lagu magacaabo Million Death Study.
Maska lagu magacaabo Russell’s viper, oo caan ku ah inuu mar walba weerar sameeyo, ayaa ka buuxa Hindiya iyo qeybo badan oo ka mid ah koonfurta Aasiya.
Wuxuu cunaa xayawaannada yar yar ee uu ka mid yahay jiirka, waana taas sababta uu mar kasta u joogo goobaha ay bani’aadanka daggan yihiin, ha ahaadaan magaalooyinka ama miyigaba.
Maska Hindiya ku nool ee loo yaqaanno krait waxaa dabeecadihiisa ka mid ah in maalintii uusan weerar sameynin laakiin habeenkii uu aad khatar u yahay.
Wuxuu dhirirkiisa gaari karaa ilaa 1.75m, oo u dhiganta (5ft 9in).
Maska kale ee loo yaqaanno Kobra ayaa isagana dhaqdhaqaaqiisa badiya xilliyada mugdiga, wuxuuna sababaa dhiigbax gudaha jirka ah. Qofka uu qaniino ayaa durba geeriyoon kara haddii lasiin waayo gargaar caafimaad oo deg deg ah.
Daraasadda waxaa lagu ogaaday in muddadii u dhaxeysay 2001 ilaa 2014 ay 70% ka mid ah qaniinyada masaska ka dhacday siddeed gobol oo kala ah: Bihar, Jharkhand, Madhya Pradesh, Odisha, Uttar Pradesh, Andhra Pradesh (oo uu ku jiroTelangana, oo gobol cusub ah) Rajasthan iyo Gujarat.
Celcelis ahaan khatarta uu qof Hindi ah ugu jiro inuu u geeriyoodo qaniinyo mas ka hor inta uusan gaarin da’da 70-ka ayaa lagu qiyaasay 1-kii qof oo ka mid ah 250 qof oo kasta. Laakiin meelaha qaar halistaas waxay gaareysaa 1-kii qof ee ka mid ah 100 qof oo kasta, sida ay daraasadda muujisay.
Khubarada waxay sheegeen in buldhooyinka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka ay halista ugu weyn ugu jiraan qaniinyada masaska, gaar ahaan xilliga ay jiraan roobabka fatahaada sababa.
Waxay sheegeen in goobahan ay tahay in la geeyo dad shacabka ku nool ka wacyi galiya khatarta masaska, sidoo kalena bara xeelado sahlan oo ay uga badbaadi karaan qaniinyadoosa.
Waxyaabaha la bari karo waxaa ka mid ah habab ay beerahooda ku falan karaan iyagoo ka badbaadaya masaska. Wacyigalinta ay soo jeediyeen khubarada waxaa ku jira in dadka lagu dhiirrigaliyo inay xirtaan gabo adag, gacmahana galoofis gaashadaan marka ay beerahooda falanayaan.
Qaniinyada masaska ayaa hadda ah “arrin dunida oo dhan lagala tacaalayo” sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Addunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO.
Saraakiisha WHO ayaa sheegay in dhibaatooyinka la xiriira sunta masaska ay ka mid yihiin kuwa ugu waaweyn ee hadda ka jira, cudurro halis ahna sababa.
Inta u dhaxeysa 81,000 ilaa 138,000 oo qof ayaa sanad walba caalamka ugu geeriyooda qaniinyada masaska, sida ay sheegtay WHO.
Tiro intaas saddex jibbaarkeed ah ayaan u dhimanin qaniinyada masaska, laakiin ku naafooba