Malable(saxilnews.com)-Ugu yaraan 4 Carruur ah, ayaa ku dhintay Xerada Barakacayaasha Malable oo ku taalla deegaanka Garas-baalley ee duleedka magaalada Muqdisho, ka dib markii uu kusoo dumay Darbi ay ka gabboodsanayeen Roobab xooggan oo ka da’ay gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa. Carruur Ku Dhimatay Xeryaha Barakacayaasha ee Malable Markii Derbi Ku Soo Dumay Carruur Ku Dhimatay Xeryaha Barakacayaasha ee Malable Markii Derbi Ku Soo Dumay Carruurtan seddex ka mid ahi waxay ahaayeen Gabdho, halka ka afraadna ahaa Wiil. Waxaana Darbiga ku dumay Ubadkan ay waxyeello ka soo gaadhay oo ku dhaawacantay mid ka mid ah Hooyooyinka dhalay Carruurta geeriyooday. Qaar ka mid ah Dadka deegaanka, ayaa u soo gurmadey Qoysaska dhibaatadu gaadhtay, iyagoo bur-burka Derbigaas ka soo saaray Meydka Carruurta oo ku hoos jiray burburka Gidaarka ku dumay, ka dibna waxa lagu aasay Qubuuraha deegaankaas khasaaraha nafeed ka dhashay. Qoysaska ku jira Xerooyinka Barakacayaasha ee dalka Soomaaliya, ayey ku noolyihiin Xaalad adag oo dhinaca nolosha ah, sida Hooy la’aan iyo cunno yari xooggan, iyaga oo ku dooda Dadka halkaas deggani inaanay gargaarkii ay u baahnaayeen ka helin dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka bixiya, marka laga reebo wax yar oo faro-guudkood ah.