Warbaahinta dalalka Islaamka ayaa maalmahan hadal haysa go’aanka madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ku gaadhay in matxafka Aayaa Soofiya laga dhigo masaajid.
Faallooyinka ay qorayaan saxafiiinta wadamadaasi ayaa waxa ka muuqda in ay aad ugu kala aragti duwanyihiin go’aanka xukuumadda Turkiga.
Qaar badan ayaa aad u ammaanay go’aankaas oo ku nuuxnuuxsaday in Aayaa Soofiya tahay goob leh summad Muslim, halka kuwo kalena talaabadaa dhaliileen oo ay sheegen in ay aad uga fogtahay nidaamkii Cilmaaniga ahaa ee Mustafa Kemal Ataturk seeska u dhigay.
Waxa kale oo iyaguna jira faalooyin ay qoreen saxafiyiin kale oo ay ku sheegayaan cawaaqibka ka dhalan kara go’aankaas, gaar ahaan marka la eego xidhiidhka Turkiga iyo dalalka reer Galbeedka.
Dhismahan doodda inta leegi ka dhalatay ee Aayaa Soofiya, muxuu yahay?
Aayaa Soofiya waxa dhistay imbiraadooriyadii Baysantayn 1500 oo sano ka hor waagaas oo magaalada Istanbul ee uu dhismahani ku yaal la odhan jiray Constantinople.
Waxa uu dhismuhu ahaa mudo dheer kaniisad weyn, hase yeeshee waxa ay imbiraadooriyadii Cismaaniyiintu gacanta ku dhigtay magaaladii Constantinople ee uu ku yaallay cah-digii uu Maxamed Al-Faatix markii taariikhdu ahayd 29 May 1453.
Suldan Maxamed Al-Faatix ayaa markii dambe ka dhigay goobta masaajid weyn oo dib ayaa loo dayac tiray dhismaha waxaana lagu daray dhisme cusub oo mixraab xaga qiblada ah. Laakiin quruxdiisa iyo qaab dhismeedkiisii guud waxba lagama bedelin ee waa la sii bilay.
Waxaa Suldaanku u xilsaaray farshaxankii ugu xirfadda badnaa waagaa in ay ku sharraxaan dhismaha qoraallo aayado Quraan ah oo inta badan ah waxyaabaha lagu yaqaan in lagu qurxiyo masaajidada.
Tan iyo waagaa markii ay Cismaaniyiintu gacanta ku dhigeen magaaladii Constantinople ee magacii magaalada loo bedelay Istanbul oo noqotay magaalo madaxdii khilaafada, waxa uu dhismaha Aayaa Soofiya ahaa masaajid.
Hase yeeshee markii ay duntay khilaafadii Cismaaniyiintu Dagaalkii Labaad ee Dunida ka dib, ee uu Mustafa Kemal Ataturk aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga ee casriga ah, ayaa sannadkii 1953, oo ah sagaal sano uun ka dib markii dawladi Turkiga ee lagu dhisay mabaa’diida Cilmaaniyada la hirgeliyey, waxa la go’aamiyey in dhismahaa laga dhigo goob matxaf ah.
Matxafkaa waxa uu tan iyo waagaa soo jiidan jiray oo u dalxiis tagi jiray in ka badan saddex milyan oo qof sannadkiiba.
Laakiin tan iyo sannadkii 2013 ayaa hogaamiyeyaal diineed oo Muslimiin ahi bilaabeen olole ay ku doonayaan in mar labaad lagu soo celiyo Aayaa Soofiya masaajidkii uu ahaan jiray.
Go’aankaa madaxweynaha iyo maxkamadda dalkaasi ku ansixiyeen in masaajid lagu soo celiyo dhismaha ka dib, ayaa wuxuu haatan si rasmi ah u noqday masaajid. Markii ugu horraysay ee muddo dheer ka dib laga eedaamo masaajidka ayaa dadkii hor tubnaa maalintaasi damaashaad iyo takbiir farxadi ka muuqatay ku soo dhaweeyeen.
Sooyaalka Aayaa Soofiya oo kooban
- Aayaa Soofiya waxa uu ahaa dhisme kaniisadeed oo uu dhisay imbiraadoorkii Baysantayn-ka, Justinian sannadkii 537.
- Waxa la rumaysanyahay in uu ahaa dhismiha kaniisadeed ee ugu wayn dunida.
- Sannadkii 1453 ayaa ay Cismaaniyiintii jabiyeen boqortooyadii Baysantayn-ka oo ay gacanta ku dhigeen cah-digii Suldaan Maxamed-kii labaad. Waxaanu Suldaanku markii la qabsaday magaaladaa ku oogay salaadii Jimce oo jamaaha ah dhismaha Aaya Soofia.
- Isla markiiba Cismaaniyiintu waxay dhismaha u bedeleen masaajid, waxaanay ku dareen dhismaha afar minnaaradood oo dhaadheer, waxaana sawirradii masiixiiintu ku qurxiyeen lagu deday sharraxaad dahab ah oo lagu dhigay aayado Quraan ah iyo qoraallo kale oo qurux badan oo Af-Carabi ah.
- Qarniyo badan oo uu astaan u ahaa imbiraadooriyaddii Islaamka ee Cismaaniyiinta ka dib, waxa markii Turkigu isku rogay jamhuuriyadda Cilmaaniga ah laga dhigay dhismaha goob matxaf ah.
- Aayaa Soofiya haatan waa goobta ugu caansan dalka Turkiga oo waxa sannadkiiba u daawasho taga in ka badan 3.7 milyan oo qof oo dalxiiseyaal ah