Madaxweyne Erdogan oo u gargaaray dad danyar ah 3

0
24
Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay shirka ururka ay ku mideysan yihiin dalalka IMuslimiinta
Qoraalka sawirka,Recep Tayyip Erdogan, madaxweynaha dalka Turkiga

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa lacag dhan 37 kun oo dollar ugu deeqay mashruuc gurya loogu dhisayo qoyasas danyar ah oo ku sugan magaalada Idlib ee dalka Suuriya.

Lacagtan oo qaar kamid ah warbaahinta dalka Turkiga ay sheeeen in Erdogan uu jeebkiisa ka bixiyay. Xukumadda ayaa horay u ballaan qaaday in 50 kun oo guri ay u dhisi doonta qaxootiga Suuriya dhammaadka sanadkan.

Mashruucan oo ah mid loogu gargaarayo dadka ku nool magaalada dagaalladu ay dilloodeen ee Idlib ayaa waxaa markii hore billlaabay hey’adda maareynta massiibooyinka ee dalka Turkiga, waxaase dib ka ogaaaday madaxweyne Erdogan, taas oo keentay in mas’uuliyin badan ay ballan qaad sameeyaan.

Lacagta uu bixiyay madaxweyne Erdogan ayaa la sheegay in ay u dhiganto dhismaha 50 guri, waxaase mashruucan markiisi hore billaabay urur ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Gollaha wasiirada ee dalka Turkiga ayaa iyaguna kuso biiray mashruuca taakuleynta, waxayna ku deeqeen lacag la sheegay in lagu dhisi karo 490 guri.

Wajiga koowaad ee mashruucan ayaa lagu wadaa in la dhameystiro dhammaadka sanadka.

Duqeymaha waxaa fuliya ciidamada Ruushka iyo kuwa dowladda Suuriya

Qoraalka sawirka,Magaalada Idlib waxaa soo gaaray burbur baaxad leh

Magaalada Idlib ee dalka Suuriya oo ay ku nool yihiin 4 milyan oo qof oo rayid ah oo ay kamid yihiin carruur ayaa muddooyinkii dambe dhexda u galay dagaalka dowladda iyo mucaaradka, taas oo keentay in ay burburaan inta badan dhismayaasjhii magaalada.

Ugu yaraan hal milyan oo qof ayaa la sheegay in ay ka qaxeen magaalada Idlib, kadib markii dowladda Bashar Al Asad ay halkaas ka bilawday duullaan ka dhan ah kooxaha mucaaradka.

Dalka Turkiga ayaa martigeliyay malaayiin qaxooti ah oo kasoo barakacay dagaaalada Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here