Dowlada Shiinaha Oo Haweenka Muslimiinta ku Amartay In-aysan ilmo Dhalin.

0
21

Dowlada Shiinaha ayaa sii kordhisay tacadiyada ay ku heyso dadka kasoo jeeda qowmiyadda muslimiinta ee Uighur, waxaana warbixino cusub oo soo baxay sheegayaan in Shiinaha kahor tageyso taranka dadka Muslimiinta ah.

Warbixin uu soo saaray aqoonyahan u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu sheegay in dowlada Shiinaha ku qasbeyso haweenka muslimiinta in ilmaha ay iska soo xaaqaan ama qaataan waxyaabo ka hortaggayo in uur ay qaadaan.

Qorshahan ayaa la sheegay in dowlada Shiinaha ay uga gol leedahay in ay ku yareeyo tirada bulshada muslimiinta ee u dhashay Shiinaha , waxa ayna Shiinaha si adag ula socotaa dhaq dhaqaaqa bulshada Musliiinta ee Uigur.

Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay in ay sameyso baaritaano caalami ah oo la xariira warbixintan ku aadan in Shiinaha ka hortageyso taranka bulshada musilimiinta ee laga tirada badan yahay.

Dowlada Shiinaha ayaa durba waxbo kama jiraan ku tilmaantay eedeyntan cusub ee la xariirta in ay kahor tageyso taranka bulshada Muslimiinta, waxa ayna dowlada sheegtay in warkaasi yahay been abuur aan sal laheyn.

Shiinaha ayaa ku dhawaad hal malyan oo qof oo ka tirsan muslimiinta Uighur iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay ku xir-xiray xeryo aan war badan laga heyn, waana dowlada Shiinaha sheegtay in xeryahaasi yihiin kuwa dhaqan celin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here