Trump: Ilhaan waxay Mareykanka la damacsan tahay fowdo sida Soomaaliya oo kale

0
18
US President Donald Trump arrives at a campaign rally at the BOK Center, June 20, 2020 in Tulsa, Oklahoma

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo cusbooneysiiyay weeraradiisa ka dhanka ahaa Ilhaan Cumar oo ka tirsan koongareeska Mareykanka isagoo taageerayaashiisa u sheegay in haweeneydan ay dooneysa inay Mareykanka ka dhigta “sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale”

Trump ayaa hadalkan ka jeediyay isku soo bax siyaasadeed oo uu Sabtidii ku qabtay gobolka Oklahoma kaasoo ah kii ugu horreeyay ee uu qabta tan iyo markii uu dillaacay xannuunka covid19 bishii March.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri “Eel-ann” iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo soo baxay dhageysiga khudbadiisa.

Waxa uu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay inay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleysta doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.

“Waxay jeclaan lahayd inay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale- Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa inay noo sheegta sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump.

Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay waxa uu ku canaantay dadweynaha gobolkasi sababta ay wali raalli uga yihiin inay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.

.Lahaanshaha sawirkaJP
Image captionIlhaan iyo Trump ayaa in muddo ahba hadallo kulul isweydaarsanayay

“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee la yiraahdo Ilhaan Cumar waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11 ee lagu soo qaaday waddankeenna, sided ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota, aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu yiri Trump.

Hadalkan u dambeeyay ee Trump ayaa si weyn loo cambaareeyay. Qaar ka mid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa ku tilmaamay inay tahay khalad in Trump uu weerar ku qaada Ilhaan oo tacsi ku jirta kadib geerida aabaheed oo afar maalmood ka hor u geeriyooday xannuunka covid19. Qaar kale ayaa xusay in Ilaah ay tahay muwaadin Ameerikaan ah islamarakana aysan habbooneyn in Trump uu la xiriiriya dal ay ka soo qaxday iyadoo yar.

Supporters hold up signs during a campaign rally for President Donald Trump at the BOK Center, June 20, 2020 in Tulsa, OklahomaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionQaar ka mid ah taageerayaasha Trump

Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu “ku guuldarreystay inuu dalka maamulo” iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen covid19, 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here