Maxay booliska Faransiiska qalabkooda ugu daadinayaan waddooyinka?

0
23
.Lahaanshaha sawirkaAFP

Ciidamada booliska ee ka howl gala waddanka Faransiiska ayaa waddooyinka ku daadiyay biraha gacmaha looga xiro dadka, waxayna dareemayaan “in loo geystay aflagaaddo” kaddib markii lagu eedeeyay inay ku dhaqmaan cunsuriyad, dadkana ku xad-gudbaan.

Waxay sidoo kale ka caroodeen amar ay dowladda uga mamnuucday inay dadka qoorta cadaadis uga saaraan gacmahooda (qofka oo intii gadaal laga istaago lagu ceejiyo gacanta oo ka laaban ilaa xusulka), taasoo keeneysa inay neefsashada ku adkaato.

Ciidamo mudaharaadaya ayaa maanta oo Jimce ah kolonyo gaadiid ah u kaxeystay waddada Champs-Élysées ee marta bartamaha magaalada caasimadda ah ee Paris.

Gawaarida ay wataan ayey ka shideen seeriga qeylo dhaanta ah iyo hoon dhawaaq dheer leh.

Waxay sheegeen inay kasoo hor jeedaan in lala simo booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, kuwaasoo uu dhawaan gacantooda ku dhintay George Floyd, waliba markii ay xireen kaddib.

Geerida ninkaas oo kasoo jeeday Mareykanka madow ayaa caro xoog leh ka abuurtay guud ahaan dunida, waxayna muharadaayo rabshado wata – oo looga soo horjeedo cunsuriyadda – ka dhalisay gudaha Mareykanka iyo meelo kaleba.

Booliska maanta ku mudaharaadaya bartamaha Paris waxay wataan boorar ay ku qoran yihiin: "Hadduusan boolis jirin, nabad ma jirto".Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionBooliska maanta ku mudaharaadaya bartamaha Paris waxay wataan boorar ay ku qoran yihiin: “Hadduusan boolis jirin, nabad ma jirto”.

Marka laga soo tago eedeymaha, waxay boolisku aad uga careysan yihiin amarka looga mamnuucay ceejinta dadka, taasoo horseedi karta sababtii uu Mr Floyd ugu dhintay gacanta booliska Mareykianka, maadaama ay qofka ku xirmeyso neefta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Christophe Castaner ayaa mamnuucistaas shaaciyay maalintii Isniinta, kaddib markii mudaharaadeyaal waddooyinka Faransiiska ku dibad baxay ay booliska ku eedeeyeen inay cunsuriyad kula dhaqmaan dadka kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay, ayna la mid yihiin booliska Mareykanka oo lagu dhaliilayo inay ku xad-gudbaan dadka madowga ah.

Mr Castaner Khamiistii kulamo wadahadal ah la yeeshay ururrada midowga booliska, walina way socdaan shirarkaas, xilli ay dowladduna isku dayeyso inay dajiso xiisadda ka dhalatay doodda la xiriirta cunsuriyadda.

Qalalaase ayaa dhacay horaantii bishan, kaddib markii dad mudaharaadeyaal ah oo ku baraarugay dibadbaxyada cunsuriyadda looga soo horjeedo ee ka socda Mareykanka ay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo xusaya nin Faransiiska madow ah oo lagu magacaabi jiray Adama Traoré – oo ahaa 24 jir – kaasoo sanadkii 2016-kii ku dhintay howlgal ay booliska sameeyeen.

Booliska Faransiiska ayaa sidoo kale bishii lasoo dhaafay lagu eedeeyay inay dhaawac halis ah u geysteen wiil 14 jir ah oo lagu magacaabo Gabriel, oo looga shakiyay inuu qalab ay carruurta ku ciyaaraan ka xaday dukaan ku yaalla meel u dhow magaalada Paris.

Booliska Faransiiska waxay dhulka ku daadiyeen biraha gacmaha looga xiro dadka la tuhunsan yahayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionBooliska Faransiiska waxay dhulka ku daadiyeen biraha gacmaha looga xiro dadka la tuhunsan yahay

Dadka u ol’oleeya in la cirib tiro cunsuriyadda ayaa qorsheynaya inay maalinta Sabtida ah isugu tagaan fagaare ku yaalla bartamaha magaalada Paris.

Ciidamada amniga ayaa kula taliyay dadka gacansiyada ku leh halkaas inay goobahooda xiraan, maadaama laga cabsi qabo inay rabshado dhacaan.

Mudaharaadyada ay booliska qalabkooda ku daadinayaan ayaa shalay ilaa maanta ka dhacay magaalooyinka Paris, Lille, Rennes, Bordeaux, Toulouse iyo kuwo kale.

Xavier Leveau, oo ka tirsan midowga booliska ayaa isagoo mudaharaadyada ciidanka amniga difaacaya waxa uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay “in qofka oo qoorta laga ceejiyo ay aad muhiim u tahay marka gacmaha laga xirayo”.

Wuxuu ku adkeystay inaysan la mid ahayn habkii uu ku dhintay George Floyd.

“Annagu qofka dhulka kuma celineyso muddo 8 daqiiqo ah, waxaan cadaadineynaa oo kaliya inta gacmaha laga xirayo… ma heysanno qaab kale oo kaas aan ku baddalno. Marka sideen ku sameyneynaa maanta?”, ayuu yiri.

Presentational white space

Laanta kormeerta ficillada booliska Faransiiska ayaa sheegtay inay sanadkii lasoo dhaafay soo gaareen 1,500 oo cabasho oo ka dhan ah ciidamada amniga.

Kalabar ka mid ah cabashooyinkaas waxay ahaayeen qalalaase, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here