Home Warka Jabuuti: Shan arrimood oo ku saabsan duuliye Fu’aad Yuusuf Cali

Jabuuti: Shan arrimood oo ku saabsan duuliye Fu’aad Yuusuf Cali

0
23

(Saxilnews)

Dalka Jabuuti maalmahanba waxaa ka taagnaa rabshado salka ku hayey xarigga Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo dowladda u xiran oo muuqaal laga soo duubay ay ka dhasheen bannaanbaxyo caasimadda Jabuuti iyo magaalooyin kalaba ka dhacay.

 

Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.

Fu’aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku “andacoonayaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro”.

Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.

Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.

Ka dibna waxaa bilowday Olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin.

1. Dacwad khiyaamo qaran in lagu soo oogay

Xeer ilaaliyaha dalka Jabuuti Jaamac Suleymaan Cali oo BBC u warrmay ayaa sheegay in Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali uu yahay muwaadin jamhuuriyadda Jabuuti u dhashay oo ka tirsan oo ciidamada cirka.

“Isaga oo direyskiisa wata ayuu tagay xerada ciidamad cirka jabuuti wuxuuna isku dayay inuu si qarsoodi ah diyaarad u duuliyo iyada oo aan war laga qabin uu u duuliyo waddanka cadawga ah ee uu dagaalka na dhex maray ee Eritrea, balse diyaaraddii baa u kici weyday dabadeed si qarsoodi ah ayuu dalka itoobiya ugu gudbay isaga oo Eritrea u soo jeeday halkaasuuna muuqaal isaga soo duubay Fu’aad Yuusuf cali wuxuu u xiran yahay dambiga ah khiyaama qaran oo uu u xiran yahay” ayuu yiri xeer ilaaliyaha Jabuuti Jaamac Suleymaan Cali.

Waa markii ugu horreysay oo eedeyntan laga maqli dowladda Jibuuti. Xeer ilaaliyaha ayaana arrintasi qiray. Ma jirta wax caddeyn ah oo ay dowladda soo bandhigtay oo ka marag fureysa eedeyntan. Qareenka fu’aad ayaa ku gacanseyray eedeyntaasi.

Xeer ilaaliyaha Jabuuti Jaamac Suleymaan CaliLahaanshaha sawirkaJAAMAC SULEIMAN

2. Muddo intee dhan ayuu dowladda Jabuuti u xiran yahay?

Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali waxaa Jamhuuriyadda Jabuuti dib ugu soo celisay dowladda Itoobiya taasoo ka careysiisay qurbajoogta reer Jabuuti iyo Siyaasiin badan oo dibadda ku nool iyaga oo aad u dhaleeceeyey dib u celinta Fu’aad ee ay Itoobiya ku dhaqaaqday iyadoo uu dalbaday magangalyo.

Bishii Apriil 22-keedi ayey Itoobya Duuliye Fu’aad ku so wareejisay dambi baarista Jabuuti. Seddex bilood ayuu gacanta dowladda ku jiraa, kiiskasana maxkamadda waa la geeyey, sida uu sheegay xeerilaaliyaha. Wuxuu beeniyay in nolol,xun uu ku sugan yahay Fu’aad oo muqaal si qarsoodi looga soo duubay oo la soo dhigay baraha bulshada uu ku sheegay in lagu dhexhaya musqul.

“Horta waa ayaan darro oo annagaba ma jeclin ma ogtahay qof dowladdii iyo maxkamaddii u xiran darxumo ama dhib lagu sheego, habase ahaatee…kamaradda haddii musqul la dul dhigo musqul unbey ku tuseysaa, Fuaad wuxuu ku xiran yahay qol musqul leh musqushiiba Kameradda dul dhigay laakiin qolkaasi isaga laftiisana wuxuu qirta in talefoon loo soo gudbiyey ilaa 5-ta may uu muuqaalka duubanayey” ayuu yiri xeer ilaaliyaha Jabuuti Jaamac Suleymaan.

3. Caddaalad ma heli doonaa Fu’aad?

Mudaharaadyo xooggan oo ka dhashay xarigga Duuliye Fuaad Yuusuf cali ayaa ka socda Jabuuti iyada oo ay shacabku dalbanayaan in la sii daayo duuliyaha iyada oo shacabku aaminsan yihiin inuu dulmi u xiran yahay.

“Waxaan xaqiijinayaa oo aan dammaanad qaadayaa Fu’aad inuu caddaalad madax bannaan oo xaq ah uu heli doono dambigiisana si saxah ay maxkamaddu u xukumi doonto” ayuu yiri xeer ilaaliyaha Jabuuti Jaamac Suleymaan” ayuu yiri.

Ciiadma Jabuuti oo gaardinayaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

4. ‘Caddaalad Darro ayuu ka cararayay’?

Qareenka u doodaya Fu’aad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkaasi uu ku soo oogay Fu’aad Yuusuf Cali oo ah inuu galay khiyaano qaran.

Garyaqaan Zakariye Cabdullaahi oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Fu’aad oo hadda xanuunsanaya aanan la geyn dakhtar isla markaana jirdil loo geystay.

“Diyaarad buu la baxsanayey wax sal leh ma aha qofka marka dacwad lagu soo oogaya waxyaabaha u dhow ayaa loo dhaweeyaa laakiin ninkaas Fu’aad ee aad aragteen ee dhibaatada ku dhacdayee meesha musqusha ah ku jira iskumuu dayin inuu diyaarad waddanka kala baxo” ayuu yiri Garyaqaan Zakariya oo Fu’aad u doodaya.

“Waxaan idiin sheegayaa BBC ninkaasi sharcidaruu ku xiran yahay, caddaalad xumo ayuu ka cararayey, cagajugleyn buu ka cararayey, dhibaatooyin askarta si gaar ah loogu hayey ayuu ka cararayey.”

Zakariye waxa uu shegay in isaga iyo ehellada Fu’aad aan loo oggoleyn inay booqdaan. Waxa uu sjheegau in tan iyo markii la soo qabtay uu hal mar xabsiga kula kulmay

“Fu’aad markaan u tagay waxaan ku arkay nin argagaxsan, dhibaata ka muuqato oo wada nabar ah, Jabuuti waa waddan kulul, qol aad arkeysid oo muqsul ah ku jira oo weliba sida wajigiisa ka muuqatay uuna ii sheegay uu yahay nin adkeysanaya uu yiri waxba ma leh waan iska adkeysanayaa laakiin dhibatadu wa ataa wa adiga arkaya sidan ahay” ayuu yiri.

5. Mucaaradka oo dalbay in Fu’aad si Degdeg loo sii daayo

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee RAAD ee dalkaasi Jabuuti, Cabduraxmaan Maxamed Geelle, ayaa dowladda dalkaasi ugu baaqay in ay xabsiga ka sii deyso duuliyahaasi isla markaana cabashada shacabka ay ka jawaabto.

Cabduraxmaan waxaa kale uu ka digay in dalka aan la burburin maadaamaa buu yiri mudaharaadyo si fudud ku billaawday ay ku burbureen waddamo badan, sidaa darteedna xukuumadda looga baahan yahay inay xal la timaaddo.

“Kacdoonkan billaabmay waxay dadku ka dhiidhiyeen, oo ay ka caroodeen tacaddiga, caddaalad darrada iyo sida xuquuqal isnaasnka ka baxsan ee lagula kacay askariga muwaaddinka reer Jabuuti oon ognahay xaaladdiisa caafimaad iyo dhibta uu ku jiro, marka waa iney waajibkooda gutaan oo ay askarigaasina ay si dhaqsa ah ay u soo sii daayaan dalka midnimadiisana ay ka shaqeeyaan ma aha iney ololiyaan waddanka”.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Taariikhda Fu’aad oo kooban

Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti.

Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah shan will iyo laba gabdhood.

Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.

2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.

2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa

2019 ayaa laba xidigle laga dhigay

Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay

Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya

15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti

Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay “aaminsanahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen” dowladda Jabuuti.

“Ubadkiisa ayuu u waaya wax uu siiya. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah ayaan mushaar lama siinin,” ayay hadalka sii raacisay.

“Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00 ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda”, ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa.

Waxay tilmaamtay in xabsiga Gabood masuuliyiin ka tirsan ay bishii May soo waceen: “Waxay naga dalbadeen inaan cuntada u keenaa”.

Qoyskiisa waxay sheegayaan in weli aan maxkamad la horgeyn, sidoo kalena aan loo ogolaan in ay la kulmaan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan

  • Khalifa Xaftar: Janaraalka loo taag-waayay oo ay haatan xaaladda ku cakiran-tahay
    7 Juunyo 2020
  • Sidey Maraykanka Iyo Itoobiya ku yeesheen xiriir qoto-dheer?
    9 Abriil 2019

Wararka ugu waaweyn

Maxaa ka jira kaftankii Farmaajo ee ahaa in Korona uusan qofku laba jeer ku dhici karin?

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqday inuu soo jeediyay in fayraska Korona uu qofku laba jeer ku dhici karin, haddaba maxaa ka jir aarrintaasi?

7 Juunyo 2020

Coronavirus: Dagaalka Mareykanka iyo Shiinaha oo markale soo laba kacleeyey

7 Juunyo 2020

Khalifa Xaftar: Janaraalka loo taag-waayay oo ay haatan xaaladda ku cakiran-tahay

7 Juunyo 2020

Xul

Kiisaska Corona virus ee daafaha caalamka

Kiisaska Corona virus ee daafaha caalamka

George Floyd

30-kii daqiiqo ee ugu dambeysay nolosha George Floyd

.

Saddex arrimood oo sharraxaya carada ka taagan dalka Mareykanka

Aadan Barre Ducaale

Aadan Barre Ducaale oo ka badbaaday “mooshin xilka looga qaadi rabay”

.

Soomaali raashin u qeybineysa mudaharaadayaasha Mareykanka

.

Mustaqbalka Maqaamka Muqdisho ma wuxuu ku xiran yahay baarlamaanka?

Man holding garlic cloves

Maxaa ka jira in toonta ay dawo u tahay fayraska Korona

George Floyd oo dhulka yaalla

11-ka dil ee sababay mudaharaadyo waa weyn oo ka dhacay Mareykanka

.

Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here