IMIKA QABYAALADDII WAXAY SOCOTABA IN HALGANKII LA KALA SHEEGTO AYEY MARAYSAA OO MID WALBA KA AAN REERKIISA AHAYN KA DAFIRO HALGANKIISII”AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN.

0
21

USA(saxilnews.com)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Ayaa Pagekiisa Facebooka Qoralkan Ku baahiyay isaga oo kaga hadlay dabciga hada Socda ee ay bulshada Somaliland ku kala xigsanayaan Mujaahidiintii dalka usoo halgamay ruux kasta uu geesigii dalka xoreeyay ka dhigayo qabiil ahaan ka xiga waxaanu aoraalka Jamaal Cali Xuseen Udhignaa Sidan Hoos Ku Qoran”

Kolka kooxi ciyaarayso ragga qaar baa ciyaartoo dhan ciyaara sagaashanka daqiiqadoodba (90 minutes) halka ragga qaarna daqiiiqadaha danbe ayeey soo galaan ciyaarta oo waxaaba laga yaaba inay goolka guusha dhaliyaan. Hadhow kolka koobka la siinayo, kooxdoo dhan baa guusha la wada siiyaa ee lama yidhaahdo hebelna maalintaasuu maqnaa, hebelna ciyaartii finalka ayuu ka maqnaa. Imika qabyaaladdii Waxay socotaba in halgankii la kala sheegto ayeey maraysaa oo mid walba ka aan reerkiisa ahayn ka dafiro xaqii iyo taariikhdii uu lahaa. Waxaan u arkaa ciyaar suunka hoostiisa laga dagaalamayo (below the belt). Waa kalsooni daro bulashadda lagu kala fogeynayo. Hadduu qofku taariikh sheegayo waa inuu cilmi baadhis qoto dheer soo gudbiyaa oo halka uu soo xiganayo uu si cad bulshadda ugaga waramaa. Laakiin maxaan ula yaabi dadka taariikhdaba waxay iyagu jecel yihiin ayeey u haystaane. Taarikhihii dhowr sano ee aan anigu u soo joogay ayaaba anigaygan idinla hadlaya been cad lagu sheegay buug anigana laygu soo daray Oo weliba laygu soo casumay kkkk iyadoo la leeyahay Jamaal baanu sidaa Kula talinay oo ay tahay been ay buug ku qoreene. Dad Ilaahay ka baqanaya maaha. Waar dareenka shakhsi maaha taariikh. Waar anagu anagaaba nool Oo kuwaa u jawaabiye, bal kuwan dadkii dhintay u diidan intii ay lahaayeen maxaad ka sugaysaa. Very Sad!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here