Aadan Barre Ducaale oo ka badbaaday “mooshin xilka looga qaadi rabay”

0
17
Aadan Barre DucaaleAadan Barre Ducaale

Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha ka tirsan ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.

Ducaale oo la hadlayay BBC-da ayaa u sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.

“Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen… shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan.

Wuxuu sheegay in kursiga uusan kusii fadhin doonin isla markaana uu banneen doono marka uu soo afjarmo waqtigiisa.

Ducaale waxaa korsiga hoggaanka Aqlabiyadda Baarlamaanka loo dhiibay ka dib doorashadii 2013-kii, waxaana mar kale loo kordhiyay ka dib doorashadii 2017-kii.

“Toddobo sanno ayaan kursigan hayay. InshaaAllah kuma fadhin dooni marka uu waqtiga dhammaado waan ka degayaan, waxaana ku wareejinayaan qofka kale, waa xafiis dastuuri ah oo dhisan oo nadaamsan”.

Ducaale, Uhuru iyo Ruto

Ducaale ayaa meesha ka saaray in kala qeybsanaan uu soo kala dhexgalay xisbiga haya talada ee Jubilee kaas oo dhowaanahanba isbaddallo ku dhawaaqayay taas oo saameyn ku yeelatay dad magac ku lahaa siyaasadda.

Ducaale wuxuu ka mid ahaa 212 xildhibaan oo ka qeybgalay kullan uu Uhuru Kenyatta u qabtay xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii xilalka sare hayay ee kullankaas aan tagin ayaa shaqada laga tuuray.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada soo socota marka la gaaro ay shaaca ka qaadi doonaan tallaabada xigta balse haatan ay ku howlan yihiin fullinta ballanqaadkii ay sameeyeen.

Aadan ducaale oo ka hadlay sida uu xil ka qaadista uga badbaaday

Haddaba Ducaale, maka badbaadi karaa isbaddallo kale oo lagu sameeyo xisbiga, wuxuu ku jawaabay: “Labo sanno ayaa soo hartay inta uu baarlamaanka dhammaanayo, labadaas sanno waxaan ku shaqeynayaa si daacad ah oo caddaalad ah, aniga oo waddankeyga ku shaqeynayo, fiirinayana danta guud ee waddanka, ayaan filayo in aan sii shaqeeyo labada sanno ee soo hartay”.

Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here