Foosiya Yuusuf Oo Dacwad Ka Gudbisay Xeer Uu Saxeexay Madaxweyne Farmaajo

0
18

Qaar kamid ah Xisbiyada siyaasada ee dalka ka jira ayaa dacwad ka dhan ah sharciga doorashooyinka ay ansixiyeen Baarlamaanka labada aqal sidoo kale uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Maxkamada sare ee dalka.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo katirsan Baarlamaanka aqalka hoose sidoo kale kamid ah hogaanada xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa sheegtay in maxkamada sare ee dalka u gudbiyeen dacwad ka dhan ah sharciga doorashooyinka ee la meel mariyay.

”Waxaan maxkamada sare geynay dacwad quseysa sharcigii Baarlamaanka ansixiyeen ee doorashooyinka Madaxweynuhuna saxiixay, sharcigaas oon anagu u aragno mid aan dastuuri aheyn oo ka horjeeda dastuurka cutubkiisa labaad oo dhan ,” Ayey tiri Xil Fowsiya Yuusuf.

Waxa ay sidoo kale sheegtay Xildhibaanada in dharciga doorashooyinka dalka uu yahay mid lagu deg degay, waxa ayna xustay Fowsiya in sharciga doorashooyinka uu ka muuqdo nidaamka 4.5 oo ay sheegtay in uu yahay mid xadgudub ah oo la degay Soomaalida.

Sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa kasoo horjeeda qaar kamid ah maamulada dala ka jira, waxaa sidoo kale sharcigan dhaliilsan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira qaarkood kuwaa oo si weyn u naqdiyay sharcigan la meel mariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here