Booliis iyo dibadbaxayaal isku ceyrsanaya waddooyinka magaalooyiinka Mareykanka

0
20
Dibadbaxayaal magaalada Philadelphia ku weeraray gaari ay booliiska leeyihiinDibadbaxayaal magaalada Philadelphia ku weeraray gaari ay booliiska leeyihiin

Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay magaalooyiin ku yaalla dalka Mareykanka, xilli ay sii xoogaysanayan dibadbaxyada caradii ka dhalatay dilkii ninkii madowga ahaa, George Floyd.

Waxaa foodda is daray dibadbaxayaasha iyo booliiska magaalooyiinka, New York, Chicago, Atlanta, Philadelphia iyo Los Angeles.

Booliiska ku sugan goobaha ka xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan.

Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan.

Magaalada Minneapolis oo ah goobtii ay booliiska ku dileen George Floyd, ayaa waxaa la xiray darawal gaari kuwa xamuulka qaada ah oo gaariga si xawaara ah u waday kuna socday dhanka dibadbaxayaasha.

Ciidamo ay tiradooda dhan tahay 5000 ayaa loo daadgureyay magaalooyiinka ay dibadbaxyada ak socdaan si ay booliiska gacan u siiyaan.

  1. Dilka Jamaal Khaashuqji iyo siyaasadda Bariga Dhexe
  2. Shaki laga muujiyay dilka seynisyahanka ku dhowaaday fahamka corona fayras
  3. Maxay Daacish ugu farxeen dilka Soleimani?
Ciidamada ilaalada qaranka ayaa loo daadgureeyay magaaloyinka ay rabshadaha ak socdaan si ay booliiska u caawiayanCiidamada ilaalada qaranka ayaa loo daadgureeyay magaaloyinka ay rabshadaha ak socdaan si ay booliiska u caawiayan

Geeridii George Floyd ayaa waxaa dhashay dibadbaxyo guud ahaan dalka Mareykanka, iyada oo ay dibadbaxayaasha ay ku baaqayaan in la soo afjaro dhibaatooyiinka ay booliika geystaan.

Mr Floyd ayaa ahaa nin madow ah oo aan hubeysnayn islamarkana askari ka tirsan booliiska uu luqunta in ka badan 8 daqiiqo jilibka kaga hayay isaga oo ku qaaylinayay”ma neefsan karo”.

Isniintii , ayaa askari lagu magacaabo Derek Chauvin uu jilibka dhulka kula nabay isaga oo lagu eedeeynayo in uu goob dukaan ah uu wax uga iibsanayay 20 doolar oo been abuur ah.

Derek Chauvin ayaa xabsiga loo taxaabay, islamarkana lagu soo oogay dacwad ah in uu dil gaystay.

wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here