Cutub ka mid ah sirdoonka Israa’iil ayaa weeraray guriga Sheikh Ekrima, waxayna ku wargeliyeen inuu xidhan yahay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Anadolu Agency u sheegay qof ka mid ah qoyska Imaamka.
Qofkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa intaas ku daray in imaamka loo kaxeeyey saldhigga booliska al-Qashla ee Galbeedka Qudus, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayey.
Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Yahuudda u xidheen Sheikh Ekrima.
Bishii January, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa go’aansaday in Sheikh Ekrima ka mamnuucaan inuu galo Masaajidka Al-Aqsa, muddo afar bilood ah.
Israa’iil ayaa qabsatay Bariga Qudus, oo Masjidka Al-Aqsa uu ku yaalla, intii lagu guda jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.
Wixii markaas ka dambeeyey, Masaajidka ayaa mar walba ahaa mid Israa’iil ay sida ay doonto ay ka yeelato, iyada oo xidha xilliga ay doonto, kana mamnuucda ciddii ay doonto.