Sida fayraska Korona uu u beddalay hab-dhaqanka jiirka

0
23
RatSafmarka Corona oo jiirka ku qasbaya inuu dabeecaddiisa beddelo.

Bandawga uu keenay feyraska corona wuxuu xidhay meheradihiii cuntada isla sida oo kalena ku qasbay dadkii inay guryahooda joogaan. Tani waxay yeelatay saamayn faro badan, oo ay ka mid tahay in jiirkii ku qasbanaaday inay raadiyaan ilo cusub oo cunto ayna beddelaan hab-dhaqankoodii.

Sida ku xusan digniin ay soo saareen Xarumaha Xakamaynta Cudurrada ee Mareykanka (CDC) usbuucii hore, jiirka baadigoobaya cuntadii uu cuni lahaa waxaa uu muujinayaa “dabeecad aan caadi aheyn oo dagaal badan”.

Digniinta ayaa sheegaysa in xidhitaanka meelaha cuntadu ay “u horseedday hoos u dhac ku yimaadda cunnooyinka ay heli karaan jiirka, gaar ahaan aagagga ganacsiga”.

“Xayawaanku waxaay ku tiirsan yihiin cuntada iyo hadhaaga meelaha cuntooyinka gada” CDC ayaa raacisay.

Xayawaanka gaajaysan ayaa raadinaya ilo cusub oo cunto ah, taas oo kordhisay dhaqdhaqaaqooda iyo aragtidooda adduunka.

Hal tusaale, waa Quarter-ka Faransiiska ee caanka ah ee New Orleans. Bishii Febraayo, waxaa ka buuxsamay kumanaan dalxiisayaal ah, kuwaas oo ku qulqulay meelaha lagu ciyaaro, baararka iyo makhaayadaha.

RatLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionKhabiirrada ayaa u tixgeliya jiirka inuu yahay noolayaasha cuntada heli og.

Laakiin dhowr toddobaad ka dib, ku dhawaad dhammaan goobaha madaddaalada ee dalxiiska Louisiana ay lahayd oo dhan albaabadaa la xidhay fayraska dartiis.

Jiirarkiina waxay ka soo baxeen dhuumashadii, sida ay sameeyeen magaalooyin kale oo Mareykanka ah sida Washington iyo New York.

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah culumada dersa jiirka Maraykanka ee Robert Corrigan, dabeecada dagaalka ah ee jiirku la soo baxay kuma aaddana bini-aadamka, laakiin ujeedku waa in jiirku marayo xaalado adag si uu u helo cunto, isaga ooo meel cidhiidhyoon wax ka raadinaya.

“Taasi micnaheedu maahan inaysan weerari doonin ama qani doonin dadka” ayuu Corrigan u sheegay BBC qaybteeda Brasil.

A club in New OrleansLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMeherado ku yaal Paris oo xidhmay Corona dartiid.

Ugu yaraan saddex meelood meel dadka adduunka ayaa baddelay dhaqankooda bilihii la soo dhaafay sababtoo ah faafitaanka cudurka Covid-19.

Waddammo kala duwan, karantiil-ka ayaa xaddiday helitaanka cuntada hadhaadiga ha ee ay jiirku ku tiirsan yihiin, tanina waxay ku khasabtay jiirka inay sidoo kale la qabsadaan noloshan cusub.

Bishii Abriil, Ururka Qaranka ee Farsamooyinka Cayayaanka ee UK ayaa ka digay “xirdhitaanka iskuulada, baararka, maqaayadaha cuntada, huteellada, meelaha loo dalxiis tago iyo meelaha kale ee dadweynaha si loo ilaaliyo kala fogaanshaha bulshada ay yeelan doonaan cawaaqib xumo.”

Haddii aysan jirin cunno heli karina, cayayaanku kuma jirayo dhisme madhan ee waxy ku qasbanaan doonaan inay dibadda u soo baxaan oo cunto raadsadaan ayaa haayaddaasi sheegtay.

Rubbish overflowing from a bin
Image captionHaddii aysan helin hadhaa cunto jiirka ayaa gaajo u dhiman doona

Xaaladda quusta ee ay ku jiraan, jiirka ayaa weeraraya jiirka kale, xitaa xeryahooda dhexdooda.

“Jiirka gaajaysan wuxuu u noqon doonaa mid aad uga cadhooda jiirka kale,” ayuu yiri Corrigan, la-taliye takhasus u leh la-socodka jiirka kalana shaqeeya shirkadaha iyo waaxaha caafimaadka ee Mareykanka iyo waddamo kaleba.

Corrigan wuxuu leeyahay meelaha jiirku uu si fudud cuntada ugu heli jirey haddii ay xidhantay, khubaradu waxay arkeen caddeyn muujinaya weerarradan oo kale taas oo ka dhigan in isagii is cunayo, waana xaalad ka dhalata macaluusha daran.

“Waxay weerarayaan, dilayaan oo cunayaan midba midka kale,” ayuu yidhi.

Dhanka kale jiirku waa noole caan ku ah baadhidda iyo helida cuntada iyo waxa uu quuto, ilkihiisa awoodda badan ayaa u sahla inuu ka gudbo caqabado badan iyo meelo badan oo ka xidhan sida albaabada, caagga iyo meelaha kaleba.

Rat with balding backLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionJiirka ayaa hadda lagu arkaa meelo aysan hore ugasoo muuqan jirin

Jiirka ayaa si rasmi loola xidhiidhiyaa 55 cudur oo kala duwan, inkasta oo aysan jirin xogo sheegaya inu gudbin karo covid-19.

Halisaha kale ee jiirku leeyahay waxaa ka mid ah inay waxyeeli karaan looxaanta, dharka iyo xadhkaha laydhka taas oo keeni kartaba in guriga dab ka kaco.

Si aad ugu ilaaliso gurigaaga waa in meel walba aad nadiif ka dhigtaa ayay khubaradu ku talinayaan siiba meelaha baydhsan, haddii aad aragtidna adigu ha isku deyin inaad qabato ee ugu yeedh cidda ay khusayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here