Balse hadda, wey silicsan yihiin.
Gobolka Lombardy wuxuu ahaa halki dunida oo dhan ugu xumeyd uu sida weyn u saameeyeey cudurka oo ay xirfadlayaasha si wadajir ah ugula tacaalayeen cudurka.
Paola Miranda waa kalkaaliye ka shaqeeya qaybta lagu hayo dadka ay xaaladdooda aadka u liidato oo ku nool Cremina. “Anigu aad baan u caroodaa,” ayuu yiri. “Si fudud ayaan u caroodaa una dagaallamaa.”
Dhowr toddobaad ka hor, Paolo wuxuu go’aansaday inuu diiwaangeliyo xaaladaha adag ee ka jira qaybta daryeelka xaaladaha degdegga ah isaga oo sawirro ka qaadayey bukannada. “Marnaba ma doonayo inaan illaawo wixi nagu dhacay. Dhawaanna taariikh ayay noqon doonaan,” ayuu ii sheegay ayey tiri wariyihi warbixinta diyaarisay.
Sawirrada uu qaado wuxuu ku muujinayey saaxibbadii ay shaqa wadaagta yihiin halganka iyo dadaallada naf huridda ee ay u galeen ‘wajiga 2-aad’ ilaa ay noolasha Talyaaniga sideedi hore ku soo laabato.
“Sida oo kale xaaladaha degdegga ah hoos ayey u dhaceen, waxaanna dareemeynaa inuu mugdi na hareeyey,” ayuu yiri. “Sida inaan dhaawacyo badan qabno. Waxaanna sidannaa wax walba oo aan soo aragnay.”
Riyooyinka xun iyo dhididka habeenkii
Waxaa sida oo kale dareenkeeda ka hadashay Monica Mariotti, oo kalkaaliso ka ah qaybta daryeelka gaarka ah. “Xaalku wuxuu hadda ka adag yahay xilliga ay ay masiibadu jirtay,” ayey tiri.
“Waxaan lahayn cadow aan la dagaallanno. Hadda oo aan haysto wakhti aan ku fekero, waxaan dareemayaa in aan waxbadan lumiyey oo aan wax ujeed ah lahayn.”
Xilligii ay masiibadu taagneyd, xirfadlayaashu mashquul ayey ahaayeen oo ma haysan wakhti ay ku fakaraan.
Dhammaan mashquulki ay xirfadlayaashu la kulmayeen toddobaadyadi la soo dhaafay ayaa hadda ku soo baxday.
“Hurda la’aan iyo riyo xun ayaan la kulmaa,” ayey tiri Monica. “Habeenki ilaa 10 jeer ayaan soo toosaa wadnaha ayaa i garaacma oo naqaska ayaa igu dhaga.”
Saaxibaddeed Elisa Pizzera waxay sheegtay xilliga xaaladaha degdegga ah lagu jiray iney ahayd qof adag balse ay hadda daallan tahay.
Waxay sheegtay iney haynin xoog ay wax ku karsato ama gurigeeda ay ku hagaagsato, marka ay fasax heshana ay wakhtigeeda ugu badan ku lumiso sariirta oo ay iska dul fadhido.
Ma jirto “xaalad caadi ah oo cusub”
Martina Benedetti oo ah kalkaaliso caafimaad oo Tuscany ka hawlgasha waxay sheegtay iney weli iska illalineyso iney qoyskeeda iyo saxibbadeed booqato iyada oo ka cabsi qabto iney cudurka qaaddo.
“Xataa seygeyga waxaa na kala fogeeyey kala fogaanshaha bulshada,” ayey tiri. “Waxaan kala seexannaa laba qol oo kala duwan.”
“Mar weliba oo aan isku dayo inaan shaqada aado, waan walaacaa waxaanna jecelahay inaan guriga degdeg ugu soo laabto,” ayey tiri Martina.
Haddaba waxay ugu dambeyntii heshay wakhti ay xilligi adkaa ee so maray dib ugu milicsato, iyada oo shaki badanna uu hareeyey.
“Ma hubo inaan kalkaaliso caafimaad hadda kaddib sii ahaan doono,” ayey ii sheegtay. “Waxaan arkay dad badan oo dhimanaya labadi bilood ee la soo dhaafay si ka duwan lixdi sano ee aan shaqeeynayey.”
Daraasad dhawaan la sameeyey ayaa sheegtay 70% shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeynayey la tacaalidda cudurka sida ba’an u saameeyey Covid-19 ay dareemayaan daal aad u badan. “Xilligaasi wuxuu ahaa xilliga ugu adkaa ee soo mara dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha,” ayey tiri Serena Barello oo daraasaddaasi sameysay.
Marki aan la daalaa dhaceynay masiibadaasi, jirkaannaga wuxuu soo saari jiray dheecaan naga caawinayey inaan dhibka u dulqaadanno.
“Balse markaad ugu dambeynti hesho wakhti aad ku xusuusato wixi ku soo maray, bulshada sideedi ayey iska tahay, hase ahaatee, dhammaantaan waan burburnay, waxaadna dareemeysaa inaad daallan tahay maskaxiyanna aad mashquulsan tahay,” ayuu yiri Dr Barello.
Waxay sheegtay iney ka welweleyso dhakhaatir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad iney la soo deristo dhibaatooyin maskaxeed ka dhashay cudurka safmarka. Tani waa saameynta naxdinta leh ee ku dhaceyso qofka noolashiisa bilooyin kaddib ama sanado kaddib.
Xirfadlayaasha caafimaadka, waxay arrintan u geysaneysaa kartidooda shaqo oo ay ahmiyadda ku siin lahaayeen shaqooyinka looga fadhiyo iney qabtaan.
Geesiyada la illaaway
Dunida oo dhana waxaa maauus iyo sharaf geesinimo loo hibeeyey dhakhaatiir caafimaad iyo kalkaaliyeyaaal naftooda kahatar u geliyey si ay u badbaadiyaan una daryeelaan bukaannada, Balse dalka Talyaaniga jeceylkaasi wuu ka sii yaraanayaa.
“Marka ay geeri ka cabsanayeen, si lama filaan ah ayey geesiyaal nooga dhigeen balse durbadiba wey na illaaween,” ayey tiri Monica.
“Waxaan ku noqoneynaa dareen liito, annaga oo iisu arkeyno kuwa daallan oo weliba aan faa’ido lahayan,”
Kalkaaliyeyaasha caafimaadka waxay billaabeen abaabul ay ku doonayaan in loo aqoonsado shaqadooda.
“Bishii March waxaan eheen geesiyaal, laakiin hadda durbadiba weyn na illaaween,” ayuu yiri mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka oo dareenkiisa ka warramaya.
Waxaana xirfadlayaasha caafimaadka loo ballan qaaday in gunno lacageed la siinayo balse weli ballantaasi looma oofin.
Badbaado la’aan
Ugu yaraan, 163 Dhakhtar iyo 40 kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa Talyaaniga Covid-19 ugu dhintay. Afar ka mid ahna iyaga ayaa isdilay.
Shaqaala badan oo caafimaad waxay rajeeynayaan inuu cudurka safmarka uu mardambe dhicin. “Waxaan dareemayaa caro aad u badan” ayey tiri Elisa Nanino oo ka mid ah dhakhaatiirta gooba gaar ah oo lagu daryeelo bukaannada Covid-19.
Haddana, shaqaale badan oo caafimad ayaa hadda dareemaya inay u dhawdahay inay faafidda cudurka ay mar dambe dhicin. Elisa Nanino, oo ah dhakhtar la soo shaqeeyey guryaha ‘Covid-19’ ayaa dareemaya xanaaq aad u badan.
Tani iyo marki la qaaday xayiraadda, waxay sheegtay iney marar badan aragto dadka oo kulansan oo wax cabbayo ama cunayo iyaga oo aan xirneyn maaskarada wajiga iyo sanka lagu xirto aanna ilaalineyn kala fogaanshaha bulshada.
“Waxaan doonayaa inaan ku boorriyo iney sanka iyo afka xirtaan, maadaamaa ay dhammaantood khatar ku jiraan,” ayey tiri. “Aniga iyo saaxibbadey waxay nagula dhaqmaan ixtiraam darro”.
Hal arrin ayaase jirta taasoo ay dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka isku waafaqsan yihiin taageerada guud ee bulshada ay ka caawisay iney la tacaalaan masiibadi dhacday.
“Anigu geesi ma ihi balse waxay i dareensiiyeen inaan bulshada muhiim u ahay, ayey tiri Paolo.
Aqoonsiga bulshada ayaa ah awoodda ugu badan ee naga caawineyso inaan caawinno xirfadlayaasha caafimaad ee ay soo wajahday dhibaatooyinka caafimaad, ayuu ku yiri Dr Barello daraasaddiisa.
“Dhammaanteen kaalin mug leh ayaa nagaga aaddan inaan door muhiim ah ka ciyaarno xaaladda hadda taagan,” ayey tiri. “Waxaan dooneynaa iney bulshadu illaawin dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka wixi ay noo soo qabteen.”
Ciidamadu jiidda hore ee dagaalka intay ka soo noqdaan ayey la tacaalaan dhibaatooyinka maskaxeed ee la soo derso. Balse weli dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha waxaa sugaya shaqo 12 saacadood ah iyada oo dhibaatada maskaxeed ee la soo dersitayna ay u dheer tahay.
“Waxaan dareemayaa sida askari ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka,” ayey tiri Paolo. “Dhab ahaan ma arkin hub iyo meydad waddooyinka daadsan balse, waxaan dareemayaa inaan dhufeys ku jiray