Ganacsade Soomaaliyeed Oo Maana Lagu Dilay Koonfur Afrika

0
16

 

Kooxo Burcad Koonfur Afrkaan ah ayaa Gudaha dalkaasi waxaa ay maanta ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay dalkaas oo muddo ku noolaa,iyaga oo goobta ka baxasaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magaciisa lagu soo koobay Mahad ayaa u geeriyooday rasaas farabadan oo ay ku fureen kooxaha Burcadda, xilli uu ku dhex jiray gaarigiisa oo hor yaallay goobtiisa Ganacsi, sida ay sheegeen dad kamid ah ehelkiisa oo u gurmaday.

Falkan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ku dhow Samora oo hoos timaadda Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika,,dadkii dilay Marxuum Mahad (AUN).

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here