Hargeysa(SAXILNEWS.com)-Laba qof oo cusub ayaa cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Somaliland taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa 17 qof sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye.
Labada qof ee ugeeriyooday xanuunka Covid19 waxay kala joogeen oo ku kala geeriyoodeen Hargeysa iyo Boorama
Sidoo kale Waxa xanuunkan faafiya ee Caronavirus laga helay 14 qof oo cusub oo kusugan Magaalada Hargeysa