Kuraasta waxaa la kala fogeeyay hal hal mitir, qoyska marxuumka dhinac ayay fariisteen halka saraakiisha kaniisadana ay dhinaca kale fariisteen, qofkatana waxa uu xirnaa af-xir.
Sharciga fayraska corona ee dalka Kenya ayaa dhigaya in 15 qof ka badan aysan aas ka qeyb gali karin marka sidaa darteed inaderkay tiradaas un ayaa aaskiisa ka qey qaadatay.
Dadkeeni kale ee qoyska ka tirsanaa iyo asxaabta ee ay u saamixi weyday iney qabriga tagaan, waxaanu kaga qeyb galnay telefoonadeeena inagoo isticmaaleynaa tabinta tooska ah ee dhinaca Facebook.
Waxa uu Chiris ahaa qof si weyn uga dhex-muuqda aaska iyo aroosyada, waxa uu ahaa abaabule oo daka isugu keeno goobahaasi balse isaga aaskiisa nasiib uma uusan yeelan iney dad badan ka qeyb qaataan, balse inaga ayaa isku daynay inaanu booskaa buuxino inagoo isticmaaleyno barta Facebook.
‘Maanan awoodin inaau u ciyaarno heesihii uu sida gaarka ah jeclaa’
Waxaa uu ahaa inaderkay, waxaana ku soo wada barbaarnay hal guri, walaaltinimadeena waxaa inoo dheereyad saaxibtinimo.
Waxa uu ku geeriyooday magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya kaddib markii uu muddo laba toddobaad ah uu beerka ka bukay.
Inta badan asxaabtisa waxay ku xayirnaayeen magaalada Nairobi marka qofkasta aaskiisa kama uusan soo qeyb gali karin. Munaasabadda aaskana waa la soo gaabiyay.
Intii ay socotay tabinta tooska ah ee Facebook, waxaan akhrinayay qoraallada ay asxaabta tooska u daawanaysay ay soo qorayeen, waxayna dhammaantood u tacsiyeynayaeen ina aderkey waxana ku fakaray inaan sawiro ka qaado, sabbatoo ah qoraalkaasi ayaa noqonaya buuggeena tacsiyada.
Waxkasto, way isbadalen. Ismaan marxabayn karin oo qofna qofka kale kama tiri karin ilinta.
The Facebook Live failed so I could not watch Chris’ final journey to the very end”
Aad ayaan u wareersanaa. Weligay kumaan fakarin qof aad jeceshay ayaad aaskiisa baraha bulshada kaga qeyb geli doontaa. Waxay ila ahayd sida aanoo filim daawanaya oo ilaa haatan ayaan aamini lahay.
Balse waxaasoo dhan waxa iga darnaa markii ay tabintii tooska ahayd joogsatay oo ay shaqeyni weyday sidaa darteed xitaan maanan la socon qeybtii dambe ee aaska inaderkey oo maanan arkin markii naxashka la furayay oo qabriga la dhigayay.
Bulshooyin badan oo Afrikaan ah geerida iyo aaska aad ayaa loo xishmeeyaa oo waxa ay ka mid tahay dhaqanka iyo caadada. Gaar ahaan bulshada aniga aan ka soo jeedo ee Luo aad ayaa looga taxaddaraa.