WAA MAXAY BAAQ ?

0
30

Marka laga hadlaayo arrimhan beryahan aynu ku arkaynay warbaahinta iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto ee loo yaqaano (SOCIAL MEDIA-YAHA). waxaa laysla dhexmarayey maraayey arrimo is khilaafsan oo qof waliba dhankiisa ka taagnaa. taas oo aad marmar is odhanaysid, tolow waxani ma barnaamij cid gaar ahi ka dambeysaa? mise waa arrin iska yimid uun?

haddaba si aynu u kala saarno labadan arimood ee kala ah;

MA MASHRUUC LA SOO ABAABULAYBAA? MISE MAAHA?

horta annigu waxaan aaminsanahay in ay jirto tabasho, iyo xagal daac dhicana sinaanta saami qaybsiga dhanka dawladda ah. wayna fiican tahay in wax layska waydiiyo iyadoo looga jeedo in wax la toosiyo, ee aan looga jeedin wax lagu hagar daameeyo, amma bulshada lagu kala kaxeeyo, oo laguu kala geeyo.

sikastoo ay ahaataba marka laga hadlaayo dhinaca Sharci ahaantiisa, siduu xalaal ku noqonaayaba. waxay u baahantahay in loo eego qaanuunka somaliland waxii uu ogolyahay uun loo baahanyahay in la fidiyo, iyadoo maqsadka laga leeyahay tahay in si waadax ah dadka loogu soo bandhigo Khaladaadka Maamul ee jira iyo meelaha Sharci ee laga tallaabsaday loona baahanyahay in xayndaabka dib loogu laabto, si somaland u sii jirto iyadoo la ixtiraamaayo qawaaniinteenna aynu dhiganay ee aynu ku kala nahay Dawlad iyo Shicib.

waxaa iyana jira dadka baaqan soo jeediyey ma yihiin dadkii ku haboonaa? amma ay ahayd inay ka hadlaan kor iyo Hoosba?

kolay anniga shakhsi ahaan, waxay illa tahay in baaq la soo jeediyaa waa arrin innagu cusub bulsho ahaan, laakiin waxaa xuquuq ay leeyahiin Muwaadiniinta reer somaliland meel kastoo ay joogaanba. ayna tahay inay ka hadlaan amma ay soo jeediyaan manna aha in la dhibsado sida dhacdayba oo aan la reeraynin amma aan la qabiileynin, oo aan loo arag inay tabashadu ku saabsantahay cid nacayb iyo qabiilnimo.

ugu dambeyntii waxaan leeyahay dalka waa loo simanyahay madax iyo mijoba, heerkastoo aynu nahayba waxay nahay reer somaliland aan kala lahayn Hayb reer toona.

waxaynu nahay Bulsho u dhisan amma u qaabaysan reernimo amma qabaa’il, wayna tahay inla ixtiraamo oo laga garaabo wixii tabasho ah ee xaqiiqda ku salaysan oo aynaan iska ka qarsan, waayo waxaa ku jirta walaaltinimadeenna iyo wanaageenna, isku duubnideenna iyo wada jirkeenna.

yaan la dhibsan oo la ballaayeysanin ee aynu is dhagaysano oo isu dheg raaricino waa siday anniga ila tahay…..

 

 

WA BILLAHI TAWFIIQ

 

QORE; ENG AHMED MUSE MOHAMED

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here