Coronavirus: Qalab difaaca jirka lagu baaro oo rajo wanaagsan laga muujiyey

0
21
Sheybaadh uu baaritaan ka socdoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionSheybaadh uu baaritaan ka socdo

Tijaabada ayaa lagu sameeyey dadka uu horay u haleelay coronavirus oo ay xaqiijiyeen xirfadlayaasha caafimaadka England.

Hay’adda daryeelka bulshada ee England waxay sheegtay qalabkan lagu baaro difaaca jirka oo ay sameeysay shirkad dawooyinka soo saarta ee Roche ‘In rajo aad u wanaagsan laga muujiyey’.

Tijaabadaasi dhiigga lagu sameeyo ayaa ah mid lagu eegayey qofka uu faayraska ku dhacay, iyo awooddooda difaaca jirkooda hadda sida uu yahay.

Waxayna khubaradu sheegeen, ilaa iyo hadda tijaabadaasi inaan la odhan karin natiija kama dambeys ah ayaa ka soo baxday ayna ahayn mid lagu kalsoonaan karo.

Balse ila wareedyo xog ogaal ah waxay sheegeen iney tijaabadani tahay tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo haatan la sameeyo.

Khubaradu waxay toddobaadki hore qiimeyn ku sameeyeen tijaabadaasi la sameeyey iyo waxa ka soo baxay, hay’adda daryeelka caafimaadka bulshada ee England waxay sheegtay tijaabadan iney tahay ‘mid gaar ah’.

Barafasoor John Newton, oo iskuduwaha dalka UK u qaabilsan barnaamijka tijaabada coronavirus, wuxuu sheegay “Tijaabada iney ka soo baxday rajo aad u weyn tijaabadaasi oo ahayd mid gaar ah habka tijaabada loo sameeyeyna ay tahay mid lagu kalsoonaan karo.”

“Tallaabbadan waxay tilmaameysaa difaaca jirka qaarkii uu sida uu cudurka mustaqbalka qofka u haleeli lahaa uu isaga difaaci karo, balse waxaa weli jira waxyaaba badan oo aan caddeyn oo u baahan in cilmibaadhis dheeri ah in lagu sameeyo.”

Shirkadda Roche ee qalbkan soo saartay waxay sheegtay iney tijaabada iyo halka ay wax u maayaan ay kala hadashay waaxda caafimaadka iyo daryeelka bulshada, sidi ay qalabkaasi u adeegsan lahayd hay’adda adeegga caafimaadka qaranka ee England ee NHS.

Xirfadlayaasha caafimaadka ee Scotland, Wales iyo Waqooyiga Ireland waxay qaateen go’aan iyaga u gaar ah, balse waxaa looga fadhiyaa iney raacaan England wixi ay sameyso.

Qalabka tijaabada loo adeegsaday waxaa markiba ansixiyey si loo isticmaalo Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Tijaabada baaritaanka jirka ee Fayraska corona ayaa ka mid ah aaladaha muhiiimka ah ee wax weyn ka tarayo xayiraadaha covid-19 ka dhashay.

Haddii uu shaqaalaha horay uu cudurka ugu soo dhacay oo difaaca jirkiisuna uu wanaagsan yahay wey habboon iney goobahooda shaqada ku noqdaan qaar ahaanna shaqaalaha daryeelka caafimaadka bulshada ka shaqeeya.

Iskudayga ugu dambeeyey lagu iibsanayo aaladdan la tijaabiyey ayaa xoogaha dib u dhac ku imanayaa maadaamaa qalabkaasi aan si buuxda weli looga kalsoonaan karin oo uu tijaabo marayo.

Ila wareedyo ayaa sheegaya qalabkan cusub ee baaritaanka difaaca jirka loo adeegsanaya oo ay soo saartay shirkadda Roche, inuu ka mid yahay noocyadi ugu horreeyey oo baahi aad u weyna loo qabay.

Haatanna shirkadda qalabkaasi soo saartay iyo dowladda waxaa u socda wada hadal ku saabsan sidi loo soo saari lahaa tira aad u badan oo qiima macquul ahna lagu iibsan karo.

Presentational grey line

‘Rajooyinka beenta ah ee ka horreeyey’

Wasiirka caafimaadka Matt Hancock ayaa toddobaadki hore sheegay UK iney wadahadal kula jirto shirkadda Roche “Si ay u soo saarto” tiro aad u badan oo qalabka lagu baaro difaaca jirka.

Wuxuuna wasiirku sheegay iney jireen ‘rajooyin been ah oo ka horreeyey’ wuxuuna intaa ku daray dowladda iney xogta rasmiga ah ay shaacineyso marka ay wax weliba diyaar noqdaan.

Waaxda daryeelka caafimaadka iyo arrimaha bulshada waxay sheegtay qalabka lagu baaro difaaca jirka in la shaaciyey “wakhtihgi ku habboonaa.”

Afhayeen u hadashay wasaarradda caafimaadkana waxay sheegtay: “Qalabkan lagu baarayo difaaca jirka ee la allifay inuu qayb ka yahay tubabaka lagu xakameynayo faafitaan Covid-19, isla-markaana uu gacan ka geysanayo in si fudud loo ogaado qofka uu cudurka haleelay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here