Maxaad kala socotaa dhibaatooyinka ku gadaaman Sacuudi Carabiya?

0
22
Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMaxamed bin-Salmaan ayaa muddo gaaban Sacuudi Carabiya ka sameeyey isbeddello sal ballaadhan

Iyada oo ay dalal badan canshuuraadka muwaaddiniintooda ka cafiyeen, ayey Sacuudi Carabiya ku dhawaaqday canshuurta dheeriga ee VAT loo yaqaanno oo ahayd 5% in laga dhigay 15%, waxayna dowladdu sidoo kale shaacisay in laga billaabo bisha soo socota la joojinayo lacagaha nolosha qoysaska lagu kabi jiray.

Tallaabbadan uu qaaday Sacuudiga ayaa imaneysa xilli uu qiimaha shidaalka dunida kala badh hoos uga dhacay qiimaha uu kal hore joogay taasoo saameysay miisaaniyadda dowladda 22% oo keentay inay xukuumadda Riyadh hakiso mashaariicdii waaweynaa.

Shirkadda saliidda Sacuudiga soo saarta ee ARAMCO oo ay dowladdu leedahay ayaa dakhligeeda saddexdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan uu hoos u dhacay 25%, maadaamaa qiimaha shidaalka uu jabay.

“Arrintan ayaa muujineysa in loo baahan yahay in la qaado talalabbooyin wax looga qabanayo qiimaha shidaalka ee dhulka galay,” ayuu yiri Michael Stephens, oo ka faallooda xaaladaha waddamada khaliijka.

“Xaaladda dhaqaale ee boqortooyada oo aad u cakiran waxay ku qaadaneysaa waqti dheer si uu dhaqaalaha dalkaasi sidiisi hore ugu soo noqdo.”

Nin gaarigiisa shidaal ku shubanayaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionSicirka adeegyada kale ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa aad sare ugu kacay halka qiimaha shidaalkana u aad hoos ugu dhacay

Xanuunka Covid-19 ee dalkaasi faraha ba’an ku haya ayaa sii huriyey xaaladda dhaqaale ee sii liicaysay, maadaama waddankaasi ku tiirsanaa malaayiin shaqaale oo ka soo jeeda waddamada Aasiya, iyada oo qaar badan oo shaqaalahiisa ahna ay hadda ku nool yihiin xaalad aad u liidata.

Sidoo kale dhaxal sugaha boqortooyada ayaa saameyn aan yareyn kala kulmaya shakiga laga mujiyey inuu ku lug lahaa dilki loo geystay Wariyihii Sacuudi Carabiya u dhashay ee Jamaal Khaashuqji.

Maalgashiga caalamiga ee ku qulquli jiray dalkaasina waxaa hakad geliyey shakiga laga muujiyey inuu Amiirka ku lug leeyahay dilkaasi iyo iney sirdoonka dowladda wariyaha dilka ugu geysteen qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istaanbuul sanaddi 2018-kii.

Dhanka kalena, waxaa arrinta uga sii daray dagaalka Sacuudiga uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen oo socda muddo shan sano ah, welina wax natiija ah aan laga gaarin iyo xurgufta siyaasadeed ee kala dhaxeysa Qadar oo ay ika wada mid ahaayeen waddamada khaliijka ee uu iskaashiga ka dhexeeyo (GCC).

Marka Sacuudiga dhibaato aad u weyn ayaa heysata?

‘Horay uga bixid’

Ugu horreyn waxaa jira aragtiyo dhowr ah. Cudurka safmarka ee coronavirus wuxuu wiiqay guud ahaan dhaqaalaha Sacuudiga iyo Caalamka oo dhan.

Sacuudiga wuxuu leeyahay sanduuq maaliyadeed oo dhaqaale badan uu ku baxay, kaaso ah Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha, oo dib loogu soo noqdo, kaas oo lagu qiyaasay inuu ku kacay ama loo qoondeeyey $320 bilyan oo doolar.

Si la mid ah shirkadda weyn ee saliidda soo saarta oo ay dowladdu leedahay dhaqaalaheeda sanadkii hore waxaa lagu qiimeeyey $1.7 trilion oo doolar, taasoo la mid ah dhaqaalaha ku kaca shirkadaha Google iyo Amazon oo la isu geeyay.

Astaanta shirkadda ARAMCO ee ku taallo AbqaiqLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionShirkadda shidaalka ee ARAMCO ayaa weli caalamka ka ah shirkad si weyn loo aqoonsan yahay

Saami aad u yar oo dhan 1.5% – oo laga iibiyay shirkaddaas ayaa lacag ahaan gaaray $25 balyan oo doolar, wuxuuna noqday kii ugu horreeyay ee ay iska iibiso ARAMCO intii ay jirtay.

Sacuudi Carabiya wuxuu sidoo kale wajahayaa khataro kaga imaanaya dhinaca Iiraan, iyada oo tusaale ahaan loo soo qaadan karo gantaalladi sanadkii hore lagu weeraray shirkadda ARAMCO iyo goobo kale oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, ugu dambeyntiina ay sababtay taliyaha ciidamada ilaalada Iraan inuu Mareykanka Khaarijiyo.

Bishanna Pentagon-ka Mareykanka ayaa la noqday gantaallada Patriot ee lagu difaaco gantaallada kale, maadaama laga laga baqayo inay ay khataro badan uga yimaadaan ururrada IS iyo Al-qaacida.

Haddaba Sacuudi Carabiya ayaa weli wuxuu wajahayaa caqabado halis badan, kuwasoo kala ah:

Dhaqaalaha

Toddbaadkan hadalka ka soo yeeray boqortooyada ee ku saabsan faa’iidada ka soo baxdo saliidda la iibiyo waxay welwel badan ku abuurtay mustaqbalka muwaaddiniin badan oo dalka Sacuudiga u dhashay.

Wasiirka maaliyadda oo go’aanka dowladda shaacinayey laftiisa wuxuu adeegsaday ereyga ah “tallaabo xanuun badan”. Wuxuuna sheegay in dowladda ay go’aankeedaasi ku badbaadineyso $26 bilyan oo doolar, balse saameynta dhaqaale ee uu Covid-19 dalkaasi u geystay iyo qiimaha saliidda ee hoos dhacay ayaan yareyn, waxayna dhibaatadaas si toos ah u taabatay bangiga dhexe ee Sacuudiga oo dhaqaalaha dalka maamula.

Sawir muujinaya magaalada dhaqaalaha ee Boqor CabdallaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionCaqabadaha dhaqaale ee Sacuudiga soo wajahay waxay saameynayaan mashaariicda waaweyn

Seddexdi biilod ee ugu horreysay sanadkan daldaloollada dhinaca miisaaniyadda waxay gaartay $9 balyan oo doolar.

Xilligan ayaa ah marki ugu horreysay uu Sacuudi Carabiya dhaqaalahiisa sagxadda soo taabto. shirkii dalalka ku bahoobay GCC ee Abu Dubai lagu qabtay 1998-kii, Amiir cabdalla oo xilligaa dhaxal suge ahaa wuxuu waddamada khaliijka la wadaagay digniin ku aaddan dhaqaalaha waddamada iyo waxa soo food saari kara.

“Shidaalka fuustadii wuxuu marayaa $9 doolar,” ayuuna ku yiri waddamada isaga oo sheegay xilligii ay dhexda xiran lahaayeen in la joogo.”

Coronavirus iyo qiimaha shidaalka ayaa si weyn u saameyn doona mashaariicda waaweyn ee ka socday boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyada oo weli laga dhursugayo inuu sii socon doono hirgelinta himilooyinka barnaamijka 2030 laguna guuleysan doono iyo inkale.

Sacuudi Carabiya wuxuu ka mid yahay dalalka Bariga dhexe uu sida weyn u saameeyey CoronavirusLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionSacuudi Carabiya wuxuu ka mid yahay dalalka Bariga dhexe ee uu sida weyn u saameeyey Coronavirus

Barnaamijyada ugu waaweyn ee uu wado dalka Sacuudi Carabiya waxaa ka mid ah si uu dalkaasi uga gudbo dhaqaalahiisa ku tiirsan saliidda iyo shaqaalaha xirfadda leh ee dibadda uga imaada.

Waxay dowladda dhulka saxaraha ee NEOM ka dhiseysaa magaalo xuddun u noqta dhaqaalaha dalkaasi oo ay ku kaceyso $500 oo bilyan oo doolar.

Dunida heerka ay ka taagan tahay

Sumcadda ay Sacuudi Carabiya ku lahayd caalamka waxaa si weyn u dhaawacay cambaareyn xoogganna uu caalamka kala kulmay dilkii Khashuqji iyo sida ay dilkaasi u qarisay boqortooyada.

Danjiraha Sacuudiga u fadhiya magalada London wuxuu dhacdadaasi ku tilmaamay ‘mid sumcadda aad u wasakheysay.”

Qaar ka mid ah dadka looga shakisanaa dilka Khashuqji oo aan wax tallaabo laga qaadin ayaa horseeday cambaareyn xoog leh oo Riyaad uga imaaneysa kooxaha xuquuqda aadaha u dooda iyo qaramada midoobay.

Donald Trump iyo Mohammed Bin SalmanLahaanshaha sawirkaREUTERS

Wakhti xaadirkan Sacuudi Carabiya waxay waddaa qorsheyaal cusub oo ay dib ugu soo nooleyneyso maalgashiga oo ay ka mid tahay 80% iney Kooxda kubbada cagta ee New castle iibsato.

Rabitaankaasi Sacuudiga waxaa si weyn uga hortimid haweeneydi uu guursan lahaa Khashuqji, Hatice Cengiz, iyada oo sheegtay iney tahay mid anshaxa ka hor imaneyso.

Diyaaradaha dagaalka duqeymaha ay ka geystaan gudaha Yemen ayaa marar badan Riyaad loogu soo jeediyey dhaleeceyn iyo iney dambiyo dagaal ka geystaan waddankaas.

Duqeymaha ay diyaaradaha Riyadh sameeyaan ayey mararka qaar shacab ku waxyeelloobaan, taasoo Mareykanka oo ay saaxibbo dhow yihiin Sacuudiga xataa cambaareyn xooggan uu u soo jeediyey.

Dagaalka Yemen oo afar sana socda guulo aad u yar ayaa laga gaarayLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionDagaalka Yemen oo afar sana socda guulo aad u yar ayaa laga gaaray

Saaxibbada gaarka ah ee xulafada la ahaa dhaxlasugaha boqortooyada Sacuudi carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa ah Madaxweyne Trump iyo Madaxweyne Putin.

Balse sanadkan marki uu qiimaha saliidda hoos udhacay ayuu madaxdaasi ku eedeeyey iney dhaqaalaha gudaha ee Sacuudi carabiya waxyeelleeyeen.

Xiriirka Iiraan kala dhaxeeyana wuxuu marayaa dagaal qaboow iyada oo ay Iiraan xiriir dhow la leedahay Qadar oo ay Sacuudiga iska soo horjeedaan.

Haweeney Sacuudi oo wadidda gaariga la barayoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Awood

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman oo ay da’diisu tahay 34 sano ayaa u muuqda mid aan laga guuleysan karin. Wuxuu ku gabbanayaa aabbihiisa 84 jirka ah cid kasta oo ka hortimaaddana waddadiisa ayuu ka leexinayaa.

Amiir Maxamed Bin Nayef oo ay Maxamed Bin Salmaan ilmadeer yihiin oo awood badan lahaa wuxuu xilka ka qaaday 2017-kii isaga oo ku eedeeyey isku day afgambi oo dhacay sanadkaas.

Xubno kale oo boqortooyada muhiim ka ahna xabsiga ayuu u taxaabay.

Sawirka Maxamed Bin Salmaan oo ku dhaggan magaalada JizanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionSawirka Maxamed Bin Salmaan oo ku dhaggan magaalada Jizan

Maxamed Bin Salmaan ayaa ah mid dibadda sumacad badan ku leh, gaar ahaanna taageero aad u weyn wuxuu ka haystaa qurbajoogta, siiba dhalinyarada.

“Waa midka ay si weyn uga faa’ideen xorriyadda dib u xureyntiisa,” ayuu yiri Sir William Pattey.

Isbadallo badan oo isugu jira dhinaca dhaqaalaha iyo habdhaqanka bulshada ayuu hor seeday Maxamed Bin Salmaan intii uu soo shaac baxay kaddib, waxyaabo kale oo badanna wuu ku haminayaa.

Haddii ay riyooyinkaas rumoobi waayaan, shan sano oo hadda kaddib ahna xal rasmi ah la heli waayo, markaas awoodda xad-dhaafka ah ee Sacuudigu uu ku leeyahay Caalamka waxay billaabi kartaa inay wiiqanto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here