Isbitaalka Martiini oo bukaannadii ugu badnaa laga saaray

0
20
.sawirka ka muuqda waxaa markii saddexaad cudurka looga baaray Martiini

Waxaa markii ugu horreysay war farxad leh laga soo saaray Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, halkaasoo si gaar ah loogu qoondeeyay in lagu caawiyo dadka uu soo xiro xanuunka coronavirus.

Maamulka Isbitaalka Martiini ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ahaa kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo isbitaalka ay ka soo baxeen.

34 kamid ah ayaa rag ahaa halka 8-da kale ay dumar ahaayeen.

Inta badan bukaannadan ayaa isbitaalka la seexiyay kaddib markii ay ku adkaatay neefsasahda, waxaana lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsadaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii sare loo qaaday adeegga caafimaad ee Isbitaalka laguna soo kordhiyay agab casri ah, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen.

Baadi Duqoow Macallin oo muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxa uu ka baxay xaaladdii adkayd, dhaqaatiirta ayaana u oggolaaday inuu gurigiisa isku karantiilo.

Isbitaalka Martiini waxaa si gaar ah loogu gooyay bukaannada coronavirus
Image captionIsbitaalka Martiini waxaa si gaar ah loogu gooyay bukaannada coronavirus

Waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiinin sababo la xiriira cabsi laga qabay inuusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay arrin sidaas ka duwan.

“Waxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin” ayuu yiri Baadi Duqoow.

Dadka da’da ah ee gaara xaaladaha adag ee neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan cudurka, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladdoodana ay dhaqaatiirtu la socon doonaan.

Dahabo Xasan, oo isbitaalka la keenay iyada oo miyir-daboolan, waxay ku dardaarantay inaan isbitaalka Martiini la geynin, balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID19 ayey ula soo carareen.

Dahabo Xasan, waxay tiri; "ha diidinee daawada doonta".
Image captionDahabo Xasan, waxay tiri; “ha diidinee daawada doonta”.

Hadda waxay ka mahad celineysaa in tallaabadaas la qaaday.

“Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka la i keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kaddibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaaheey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo Xasan.

Iyadoo dadka khaladlka ka aaminsan isbitaalka Martiini la hadleysa ayey tiri; “ha diidinee daawada doonta”.

Isbitaalka oo lagu sameeyay horumarin ballaaran waxaa ka howl gala dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal isu beddela shaqada oo xilli kasta heegan u ah inay adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin siiyaan dadka xanuunku soo rito ee isbitaalka lasoo gaarsiiyo.

Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay horumarinta caafimaadka bulshada iyo xakameynta faafitaanka Fayraska Corona.

Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxnaaninaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday.

.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID-19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhaqaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin, waxaana hirgelinta xaruntaasi ay fududeysay in bulshada lagu xiro Xarumaha caafimaadka ee loo asteeyay la tacaalidda Feyruska Karoona.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa si maalinle ah u soo tabisa macluumaadkii ugu dambeeyay ee saameynta cudurka.

Xogtii ugu dambeysay ee ay wasaaraddu soo saartay shalay ayey ku sheegtay in la diiwaan galiyay 57 kiis oo hor leh, 3 bukaan ay geeriyoodeen 8 ruux oo kalena ay ka bogsoodeen.

Fowziya Abiikar Nuur, oo ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23, Somaliland 17 iyo Puntiland 17.

Sidaas awgeed, tirada xaaladaha COVID-19 ee guud ahaan Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa mareysa 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, halka ay ka bogsoodeen 118 ruux

XIgasho bbc somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here