- Siyaasi Cali-mareexaan oo Qormo Muhiim ah ka Diyaariyey Fashilka Siyaasadda Maraykanka ee Soomaalida oo 40 Sanno Jirsatay
Hargaysa(saxulnews.com):-Siyaasi Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan), horena u soo noqday Wasiirka Hawlaha Guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo mudane ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa qormo muhiim ah ku faaqiday isfaham-waaga dowladda Maraykanka iyo Soomaalida, isagoo xusay in Maraykanku ilaa hadda (1980s ilaa 2020) oo ah 40 sanno uu ku hawlan yahay siyaasad lagu taageerayo dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo la mid ah, waxbana aan ka duwanayn siyaasaddii Maraykanku ku fashilmay ee lagu taageeray dowladdii Keli-talista ahayd ee Siyaad Barre ee xasuuqa foosha xun kula kacday dadweynaha reer Somaliland.
Qoraal uu arrintaas ku faahfaafiyey siyaasi Cali-mareexaan oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan; “Maraykanku wuxuu si aan hagrasho lahayn u caawinayey dawladdii Siyaad Barre dabayaaqadii sideetamaadkii, isago oo hub iyo dhaqaale la barbar istaagay, xiligaas oo ahaa markii ay dawladdu duqaynaysay magaaloyinka iyo shacabka reer Somaliland. Dhibaatooyinkaas oo baadhis dheer oo Qaramada Midoobay samaysay ay ku sheegtay in uu ahaa xasuuq, sida ku cad warbixinta 2002 ay Qaramada Midoobay soo saartay oo ay si wada-jir ah u soo wada saareen (Office of the United Nations High Commissioner for Human Rights iyo UNDP). Warbixinta oo loo BIXIYEY (PAST HUMAN RIGHTS ABUSES IN SOMALIA) Waxaa baadhis qoto-dheer ka dib lagu soo gunaanaday in intii u dhaxaysay 1987 ilaa 1989 ay ciidammadii Siyaad Barre ka qaysteen waqooyiga Soomaaliya (haddana ah Somaliland) XASUUQ BAAHSAN.
Ambassador Robert Oakly oo Maraykanka Safiir uga ahaa Soomaaliya badhtamihii sideetamaadkii (30 September 1982 ilaa 12 August 1984) oo ahaa xiliga ay Siyaad Barre iyo Maraykanku jaanta isla heleen, ayaa waxaa waraystay telefiishan laga leeyahay dalka Holland, isagoo marka ka sii maqan Soamaaliya, laakiin xog ogaalnimo loo waraystay, waxaa la waydiiyey sababta ay Siyaad Barre u caawinayaan isagoo dadkiisii laynaya; waxaannu Ambassor Oakly ku jawaabay; “Cidda beddelaysa ayaanaan garanayn.” Kamabuu hadal dhibtii meesha taalay.
Paul Manafort oo ahaa dillaalka caawimoyinka iyo hubka ee u dhexayn jiray Siyaad Barre iyo Maraykanka oo weligiiba ku caan ahaa in loo diro meelaha la kharbudayo, waxaa hore loogu diray dalal badan Afrika iyo meelo kaleba ku yaal, aakhirkiina waxaa uu kala dillaalayey Ruushka, Ukraine iyo Trump uu xabsi ku galay sannadkii hore, ka dib markii baadhistii Robert Mueller ay soo gashay.
Paul Manafort oo berigaa ay waydiisay gabadh gacan-yare u ahayd oo la yidhaahdo Riva Levinson sababta ay Siyaad Barre u caawinayaan isaga oo dadkiisii xasuuqaya, wuxuu ugu jawaabay; “Dhamaanteen waynu ognahay in Barre yahay nin xun, laakiin waxaynu xaqiijinaynaa in uu noqdo keenii xumaa.” (We all know Barre is bad guy but we have to make sure he’s our bad guy) warbixinta Manafort iyo sidii uu Maraykanku u caawin jiray Siyaad Barre waxaad ka helaysaa warbixinta (Valley of Death: Somaliland’s forgotten gonecide) oo ay qoreen Matt Kennard iyo Ismail Einanshe.
Riva Levinson oo sannadkii 2017 warbixin ku qortay Washington Post ayaa sheegtay in waxa loo diray ay ka mid ahayd in ay sumcadda Siyaad Barre ee Beesha Caalamka nadiifiyaan, taas oo uskag miidhan ahayd, una baahnayd saabuun aad u fara badan.
Maraykanku, inkastoo ujeedooyin kalena ay jiri karayeen, waxaa ugu badnayd ee majara- habaabiyey wuxuu ahaa Safiiradoodii Robert Oakley iyo T. Frank Crigler oo ku taliyey in aan jabhaduhu Dawladda wax badan ka qaadi karin, isla markaana ay qabaa’il u kala fadhiyaan oo aanay lahayn awood ay ku ridaan Dawladda, sidaa daraadeed waxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykan ka dhaadhiciyey in ay iskaga shaqaystaan diktaytarkaas.
Intiina berigaa sida fiican u garayaysa waxay ciidamadii Siyaad Barre ku qalabaysnaayeey qoryaha M16 ee Maraykanka, gaar ahaan guutooyinkii ugu axmaqsanaa ee Caddaadlay fadhiyi jiray. Xiitaa dirayska iyo kabaha waxay ahaayeey Maraykan.
Markii ay xaaladuhu sii adkaadeen, Maraykanku wuxuu dib u eegay siyaasaddiisii Soomaaliya, laakiin waa mar ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen, Siyaad Barre iyo Soomaaliya na isla burburtay.
Ambassador Oakley waxaa mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya markii ciidamada Maraykanku ay yimaadeen Soomaaliya ee ‘OPERATION OF RESTORE HOPE’ ee horraantii sagaashamaadkii, isagoo noqday Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan US. Xiligaa laftiisa khayr kama keenin ee waatii kumanaan Soomaaliya lagu laayey Muqdisho oo ay ku jiraan foolaadkii iyo waxgaradkii lagu duqeeyey Hotel Olympic iyo weliba askartii Maraykanka ee lagu dilay dagaalkii la baxay BLACK HAWK DOWN. Maraykankiina wuxuu Soomaaliya dib uga gurtay iyada oo la odhan karo wuu uga sii daray.
Hadaba maanta taariikhdii ayaa sideedii u soo noqotay HISTORY REPEATS ITSELF. Waxaa hadda yimi Amb.YAMAMATO. Yamamoto sidii Oakley waxaa loo soo magacaabay in uu khibrad u leeyahay Geeska Afrika waxoogaa ammaan ahna wuxuu ku helay Ethiopia, sidaa darteen waxaa loo soo diray Soomaaliya, iyada oo ay Wasaaradda Khaarajiga Maraykanku ka sugayso qorshihii Soomaaliya lagu waajihi lahaa.
Ambassador Yamamoto wuxuu maray waddadii Ambassador Oakley iyo T. Frank Crigler mar kale majara-habaabiyey Maraykanka, isagoo ku talinaya in dawladda Federaalka ah la xoojiyo, maamul-goboleedyada xoog lagu muquuniyo. Somaliland ra’giisu kama foga kii safiiraddaas hore ee ahaa in aan wax wayn laga soo qaadin.
Dhibta ugu wayn ee meesha taalaa waa Maraykan oo aan fahamsanayn Afrika iyo Soomaalida, waxa keliya ee uu la shir yimaadaa waa qab iyo awood isla wayni ku jirto, weliba dhammaan wakhtiyada waxani dhacayeen waxaa Maraykan u talinayey xisbiga Jamhuuriga. Reer Yurub iyo Ingiriisku had iyo jeer taas way kaga duwan yihiin oo waxay isku dayaan marka hore in xaaladda fahmaan.
Berigaa Robert Oakley iyo T. Frank Crigler waxay Maraykanka ka dhaadhiciyeen in ay Soomaalida ku khasbaan dawlad aanay doonayn Soomaalidu, maantana Ambassador Yamamoto wuxuu Maraykanka ka dhaadhicanayaa in lacagta iyo awoodda Maraykan lagu taageero dawlad aanay Soomaalidu doonayn, taasoo muujinaysa in aannu Maraykanka iyo wakiilladiisuba aanay taariikhdaa hore waxba ka baran, welina ay dabada hayaan waddadii fashilka ku dhammaan jirtay.
Gebogebadii:
·Maraykanku waa inuu iska ilaaliyaa khaladaadkii uu hore Soomaalida uga galay dabayaaqadii sideetamaadkii iyo horraantii sagaashamaadkii.
·Waa in aannu kaadhkiisa wada saarin dawladda Federaalka Soomaaliya si aanay ugu dhicin fashilkii ka raacay taageeragii Siyaad Barre.
·Waa in Maraykanku fiiro gaar siiyaa Somaliland maadaama oo hore loogu gumaaday taageeradii iyo hubkii Maraykanku siiyey dawladdii Soomaaliya sideetamaadkii qarnidii hore.