Guddiga U Xilsaaran Cudurka Corona Ee Maraykanka Oo Is Karantiilay.

0
18

Hargaysa (Saxilnews.com)-Saddex xubnood oo ka tirsan guddiga Aqalka cad u xilsaaran cudurka coronavirus ayaa galay karantiil laba isbuuc ah.

Dr Anthony Fauci, oo noqday wajiyada ugu caansan marka ay timaado la dagaalanka cudurka coronavirus gudaha dalka Maraykanka ayaa ka mid ah masuuliyiinta karantiilka galayo.

Dhakhtarka oo 79 sano jir ah, ayaa gurigiisa ka shaqayn doona xilliga uu baaritanka socda.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama ayaa madaxweyne Trump si adag ugu dhalliilay qaabkii uu u maareeyay faafitaanka cudurka coronavirus.

Obama ayaa qaabka ay dowladda Mareykanka u wajahday cudurkan ku tilmaamay masiibo ba’an oo jahawareer abuurtay, waxa uuna dhibaatada ka dhalatay cudurkani ku eedeeyay qaabka dowladnimo ee maamulka madaxweyne Trump.

Obama oo la hadlayay kaaliyeyaashiisii hore iyo taageerayaashiisa ayaa sheegay in dhibaatadu ay tahay in maamulka Trump uu u fikiro qaab ah “maxaa iigu jira” sidaa awgeedna uu ku afceliyo dadka kale.

Kayleigh McEnany oo arrimaha warbaahinta u qaabilsan Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uu cudurkaasi u maareeyay si wanaagsan isla markaana la badbaadiyay nolal badan, balse marnaba si toos ah uma aysan magaabin Obama.

Gudaha Mareykanka in kabadan 77,000 oo qof ayaa u dhintay cudurka coronavirus, halka 1,200,000 oo qof uu ku dhacay, waana tiradii ugu badnayd ee cudurkani uu ku dhaco caalamka oo dhan.

www.saxilnews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here