Muhaajiriin hurdaysay oo uu tareen jiiray

0
18

Hindiya(Saxilnews.com)Saraakiisha dalkaasi Hindiya ayaa amar ku bixiyay in baaritaan la sameeyo kaddib markii 16 qof tareen ku jiiray gobolka Maharashtra.

 

Dadkaasi dhintay ayaa waxa ay ahaayeen shaqaale muhaajiriin ah oo ku dhex hurday waddada tareenka, iyagoo isku dayay iney gaaraan xarunta tareenka si u raacaan oo ay guryahooda u gaaraan.

Hindiya ayaa abaabushay tareenno gaar ah oo muhaajiriinta tuulooyinkooda geeya. Tobanaan kun oo muhaajiriintaasi ka mid ah ayaa magaalooyinka ka soo lugeynayaa iyadoo Hindiya uu bandow ka jiro.

Shaqaalaha dalkaasi Hindiya waxaa ka mid ah dad ka soo hayaamay tuulooyinka iyo miyiga fog-fog si ay sare ugu qaadaan dhakhliga soo gal.

Saraakiisha waaxda tareennada ayaa sheegay in shaqaalaha ay ku luugeynayeen waddooyinka iyagoo markaasi ku wajahnaa Aurangabad, waxayna markii dambe u gudbeen waddada tareenada taasi oo geynaysa Aurangabad. kaddib 36 kilomitir oo ay lugeeynayeen ayaa waxay dareemeen daal waxayna go’aansadeen iney nastaan.

Sida ay sheegayaan wararka gudaha, shaqaalaha ayaa u maleeyay in tareenada aysan soconeyn sababo la xiriira bandowga, kaddibna waxay seexdeen waddada tareenka. Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rooti daadsan waddada hareeraheeda.

Markii ganacsiyada dalkaasi albaabada la iskugu dhuftay 24-kii Maarso, muhaajiriin badan ayaa ka baqay iney macaluul u dhintaan waxayna isku dayeen iney dib ugu laabtaan tuulooyinkoodii, taasi ayaana sababtay in intooda badan ay cagahooda maalaan oo ay lugeeyaan iyadoo basaska iyo tareenada la joojiyay iney habeen safraan.

Bilowgii bishaan ayaa Hindiya laga khafiiyay hayiraadihii lagu soo rogay, waxayna dowladdu ku dhawaaqday in muhaajiriinta ay gobolladooda dib ugu laaban karaan iyagoo raacaya basas iyo tareenno qaas ah.

Raysal wasaaraha dalkaasi Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dadka ku geeriyooday shilka ka dhacay Aurangabad, ee Maharashtra.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here