WASIIRKII HORE EE WAXBARASHADA OO SHACABKA UGU BAAQAY INAY FEEJIGNAAN MUUJIYAAN

0
21

Hargaysa (Saxilnews.com)-Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, isla-markaana muddo dheer ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, ayaa digniin iyo talooyin u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu uga digay inay iska ilaaliyo inuu xanuunka Coronavirusku uu aad ugu faafo.

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Markii hore xaaladdu way sahlanayd, oo waxaynu maqlaynay ama arkaynay iyadoo cudurka Coronvirusku uu aad ugu fidayo Wadamada kale ee Caalamka, laakiin maanta si toos ah ayuu dalkeenii u soo gaadhay, dhimashaduna way sii kordhaysaa, dadka cudurka qaadayana way sii kordhayaan, ee dadku aad ha u kala fogaado, oo aad ha u kala durko, oo yaan hoosta la iska soo galin, oo xitaa gacan qaadka ha la joojiyo, oo talooyinka ay wadaan Dhakhtarrada, Guddida ka hor taga Xanuunka iyo waliba talada Madaxweynaha ha la ajiibo, oo ha la qaato, oo yaan laga dhigin wax basiid ah, waa hubaal haddii aan la qaadan tallooyinka inay dadku tarab tarab u dhiman doonaan, ee aad ha loo feejignaado, oo taxadir aad u badan ha la muujiyo, oo xitaa dadka waaya inay afka iyo gacmaha wax u xidhaan, marooyin ha jeexdaan oo ha ku xidhaan”.

Mar uu ka hadlayey bisha Ramadaan ayaa yidhi “Bishii khayrka badnayd ayeynu badhtanka kaga jirnaa, ee ILLAAHAY ha inaga hayo masiibooyinka iyo balaayooyinka, oo mar walba aynu ILLAAHAY barino”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here