“Labo qof ayuu Mareykanka usoo diray inay dowladdeyda afgambiyaan”

0
21
Venezuelan security forces in Macuto after the alleged invasion attemptLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionVenezuelan security forces could be seen in Macuto after the alleged incursion

Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa sheegay in dalkiisa lagu xiray labo muwaadin oo Mareykan ah kaddib markii “ay damceen inay afgambi xilka uga tuuraan”.

Mr Maduro ayaa sheegay in labada qof oo rag ah ay qeyb ka ahaayeen koox “faragalin” ku sameysay waddankiisa, kuwaasoo iyagoo hubeysan dhinaca badda ka galay Venezuela, laakiin ay dowladda sheegtay in la fashiliyay howlgalkooda.

Madaxweyne Maduro ayaa mar walba Mareykanka ku eedeeya inuu isku dayayo sidii uu u afgambin lahaa.

Laakiin madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii yiri “dowladdeenna wax lug ah kuma laha xaaladda ka socota waddanka Venezuela”.

Maxay tahay arrinta ay dowladda Maduro sheegtay inay dhacday?

Mas’uuliyiinta Venezuela ayaa sheegay in siddeed nin oo hubeysan lagu dilay howlgal dhacay maalintii Axadda, kaddib markii ay soo baxday arrinta ku saabsan iskudayga afgambiga madaxweynaha.

Khudbad uu toos telefishinka uga jeediyay Isniintii ayuu Mr Maduro ku soo bandhigay wax uu ku sheegay baasaboorrada labo qof oo Mareykan ah, oo xabsiga loo taxaabay – kuwaasoo magacyadooda lagu kala sheegay Airan Berry iyo Luke Denman – oo u shaqeeya shirkad amniga sugta oo fadhigeedu yahay gobolka Florida.

Daawadayaasha ayuu ku yiri: “Waxay iska dhigayeen Rambo, waxay iska dhigayeen halyeeyo.”

President Nicolas Maduro speaking during a meeting with senior members of the armed forces on May 4, 2020Lahaanshaha sawirkaAFP / GETTY IMAGES
Image captionMadaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa la kulmay saraakiisha sar sare ee milatariga dalkiisa, kaddib marka uu soo baxay warka ku saabsan afgambiga

Dowladda Venezuela ayaa sheegtay in “kooxda argagixisada ah ee dalkooda sharcidarrada ku gashay” ay kasoo baxeen dhinaca waddanka Colombia, ayna gaareen magaalada Macuto, oo qiyaastii 21 meyl (34km) dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Caracas.

Maalintii Axadda ahayd ayaa dhammantood la qabtay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Venezuela, Tarek William Saab, ayaa Axaddii bartiisa Twitter-ka kusoo qoray hadal uu ku sheegay “in kooxdaas ay doonayeen inay geystaan dil iyo afgambi”.

Wuxuu shaaciyay sawirro muujinaya hub iyo rasaas laga qabtay dadkaas, sida ay sheegeen milatariga waddankaas.

Maxay yihiin muwaadiniinta Mareykanka ah ee la xiray?

Wax badan lagama oga cidda ay yihiin Luke Denman, oo 34 iyo Airan Berry, oo 41 jir ah.

Taliye sare oo ka tirsan milatariga Venezuela ayaa sheegay in labada ruux ay xubno ka yihiin ciidamada ammaanka Mareykanka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa tabiyay inay yihiin xubno horay uga tirsanaa ciidanka, laakiin arrintan wali si rasmi ah looma xaqiijinin.

Madaxweyne Trump oo Talaadadii raggaas wax laga weydiiyay ayaa yiri: 2Waan ogaan doonnaa. Waan maqalnay arrintooda,”.

Wuxuu intaas ku daray inaysan labadaas qof wax xiriir ah la lahayn dowladdiisa.

Hase ahaatee, Jordan Goudreau, oo horay uga tirsanaa milatariga Mareykanka ayaa durba sheegay in dadkaas ay ka mid ahaayeen ciidanka.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayuu ku yiri: “Way ila shaqeynayeen. Waa raggeyga.”

Mr Goudreau, oo madax ka ah shirkad si gaar ah si gaar ah loo leeyahay oo amniga ka shaqeysa, laguna magacaabo Silvercorp USA, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadka diyaarinayay qorshaha afgambiga.

Muxuu arrintan ugu lug yeeshay nin kasoo jeeda Florida?

Baaritaan ay dhawaan sameysay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa lagu sheegay in Mr Goudreau uu ka mid ahaa koox horay milatariga uga howlgabtay oo rag ka soo goostay ciidanka Venezuela ku tababarayay xero qarsoodi ah oo ku taalla Combia.

Waxaa lagu soo warramay inay horay u qorsheeyeen howlo ka baxsan xuduudda oo lagu guul darreystay. Qprshaha ayaa la sheegay in qeyb ka mid ah lagu damacsanaa weerar ka dhan ah sladhig milatari, si loo abuuro kacdoon horseeda in ugu dambeyn xilka laga tuuro madaxweynaha.

Warbixinta ay AP soo saartay Jimcadii ayaa lagu sheegay in la helay caddeyn muujineysa in dowladda Mareykanka ay qorsheyaashan ku lug leedahay.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay Mr Goudreau uu diiradda saaray arrimaha Venezuela bishii February ee sanadkii 2019-kii, kaddib markii uu ka shaqo billaabay hay’ad amniga sugta oo ka shaqeysa xadka u dhaxeeya Colombia iyo Venezuela, taasoo uu aasaasay bilyaneer u dhashay UK oo lagu magacaabo Richard Branson, sidoo kalena uu dhaqaale ku taageero hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaidó.

Maxaa horay u dhacay?

Mr Goudreau ayaa sidoo kale sheegay inuu howlgallo dilal ah la fuliyay Mr Guaidó, oo ay in ka badan 50 waddan u aqoonsan yihiin inuu yahay madaxweynaha Venezuela ee sharciga ah.

Maalintii Isniinta, Mr Guaidó wuxuu dafiray inuu wax shaqo ah la qabtay sarkaalka ka howl gabay milatariga Mareykanka.

Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in “uusan xiriir la lahayn mas’uulna ka ahayn wax ficillo sharci darro ah” oo uu fuliyay rugcaddaaga milatariga Mareykanka.

Dhinaca kale wuxuu maamulka madaxweyne Maduro ku eedeeyay inay isku dayayaan sidii shacabka indhahooda looga jeedin lahaa qalalaasihii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here