Tirada rasmiga ah ee dalka maalinta kasta cudurka Covid-19 ugu dhimanaya Brazil waxay kor u dhaafeysaa boqollaal qof, laakiin madaxweyne Jair Bolsonaro wuxuu ku celceliyaa in cudurka uusan ahayn wax sidaas u weyn.
Madaxweyne Bolsonaro ayaa mar kale kasoo muuqday fagaare, maalintii Aaxadda, isagoo gacanta ku salaamaya boqollaal ka mid ah taageerayaashiisa, sawirrana la galaya.
Wuxuu dadka reer Brazil ku boorriyay inay shaqooyinkooda ku laabtaan.
Hase ahaatee wuxuu hadda cambaareyn weyn kala kulmayaa sida uu u inkirsan yahay cudurka.
Tirada kiisaska Covid-19 ee laga xaqiijiyay dalka Brazil ayaa kor u dhaaftay 100,000, halka in ka badan 7,000 oo ruuxna ay u geeriyoodeen cudurka – taasoo ah tirada ugu badan ee ku dhimatay waddamada la isku yiraahdo Latin America.
Sidaasoo ay tahay, markii ay wariyeyaasha weydiiyeen madaxweynaha tirada dhimashada ee sii kordheysa wuxuu yiri:
“Haye kaddibna?” Waan ka xumahay, maxaad iga rabtaan inaan sameeyo? Ma sameyn karo mucjisooyin.”
‘Hargab yar’
Mr Bolsonaro ayaa dafiray in Covid-19 uu yahay xanuun halis ah, wuxuuna sheegay inuu yahay “hargab iska yar”.
Warbaahinta ayuu ku eedeeyay inay faafinayaan warar been abuur ah si ay shacabka u khal khal galiyaan.
Dhanka kale, kooxo taageersan madaxweynaha ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir ay ka muuqdaan naxashyo ay sheegeen inay maran yihiin oo la aasayo si loo buunbuuniyo tirada dhimashada ee cudurka.
Ugu yaraan saddex wariye ayaa la weeraray intii uu socday isu soo baxaya uu Axaddii ka qeyb galay madaxweynaha, kaasoo ay isugu tageen boqollaal qof.
Waxay dadkaas oo mudaharaad sameeyay dalbadeen in albaabbada la isugu dhufto Golaha Wakiillada ee Brazil iyo maxkamadda ugu sarreysa dalkaas.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa aragtay wariye sawir qaade ah oo jaranjaro laga soo riday, kaddibna si xun loo garaacay.
Mr Bolsonaro ayaa horay u sheegay “in dadka ciyaaraha taariikhda ku leh sida isaga” aysan waxba dareemeynin haddii uu ku dhaco fayraska – haddii ay ugu badatana ay dareemi karaan hargab iska fudud”.
Laakiin hoggaamiyahan ka soo jeeda xisbiga midigta fog ayaa cadaadis lagu saarayaa inuu xaqiijiyo in cudurka uu ku dhacay, maadaama 20 qof oo ka tirsanaa xafiiskiisa, oo safar Mareykanka ah kala soo noqday bishii March, laga helay cudurka.
19-kii bishii April, Mr Bolsonaro wuxuu ku biiray mudaharaad kale oo lagu dalbanayay in lasoo afjaro amarka xayiraadda dhaqdhaqaaqyada iyo ganacsiga, waxayna dadkii uu la mudaharaadayay tageen afaafka hore ee xarun uu milatariga ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Brasilia.
Intii uu waday khudbadda uu halkaas ka jeedinayay ayuu qufacay.
‘Nin aan waxba ka naxeynin’
Hadalka ugu dambeeyay ee kasoo baxay madaxweynaha Brazil, ee ah “Haye kaddibna?” ayaa ka careysiiyay xitaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa.
Guilherme Rolim waa 36 ilkaha dhakhtar ku ah, wuxuuna sheegay inuu sanadkii 2018-kii u codeeyay Mr Bolsonaro.
Laakiin hadda wuxuu doonayaa isbaddal, taageeradiisana wuu kala noqday madaxweynaha.
Mr Rolim wuxuu BBC-da u sheegay in qofkii uu soo doortay uu yahay “Sheydaan loo baahan yahay” laakiin kaddib markii uu aabihiis ku waayay Covid-19, hadda wuu niyad jabsan yahay, kumana qanacsana sida ay dowladda ula tacaaleyso cudurkan.
“Bolsonaro waa nin aan waxba ka naxeynin. Hadalkiisa ugu dambeeyay wuxuu muujinayaa inuusan cidna dan ka lahayn. Madaxweynaha wuxuu ciyaar ciyaar ka dhiganayaa arrin khatar ah,” ayuu yiri.
Inkiraad ku kali ah
“Jair Bolsonaro waa kaligiis hadda,” waxaa sidaas yiri tifaftiraha guud ee warbaahinta daabacaadda ee Americas Quarterly. “Ma jiro hoggaamiye kale oo caalmanka ku sugan oo inkiraya khatarta cudurkan, mowqifka uu madaxweynahan qabana wuxuu horseedi karaa in dad badan oo reer Brazil ah ay naftooda ku waayaan.”
Jair Bolsonaro wuu isku buuqsan yahay. Wuxuu xukunka qabsaday sanadkii lasoo dhaafay isagoo ballanqaaday inuu sare u qaadi doono dhaqaalaha, taasna waxaa hakiyay coronavirus.
Xeebaha magaalada Rio waa laga kala tagay wadooyinkii sida caadiga ah u mashquulka badnaa ee magaalada Sao Paulo iyaguna way maran yihiin.
Dukaamada, Iskuullada, goobaha dadweynaha iyo xarumaha ganacsiga ee isnta badan gobollada ayaa la xiray.
Sidaas awgeed Mr Bolsonaro waxaa ka go’an in cudurkan safmarka ah uu siyaasadeeyo, isagoo dadka kasoo horjeeda ku eedeynaya inay isku dayayaan burburinta waddanka.
Jair Bolsonaro wuu isku buuqsan yahay. Wuxuu xukunka qabsaday sanadkii lasoo dhaafay isagoo ballanqaaday inuu sare u qaadi doono dhaqaalaha, taasna waxaa hakiyay coronavirus.
Xeebaha magaalada Rio waa laga kala tagay wadooyinkii sida caadiga ah u mashquulka badnaa ee magaalada Sao Paulo iyaguna way maran yihiin.
Dukaamada, Iskuullada, goobaha dadweynaha iyo xarumaha ganacsiga ee isnta badan gobollada ayaa la xiray.
Sidaas awgeed Mr Bolsonaro waxaa ka go’an in cudurkan safmarka ah uu siyaasadeeyo, isagoo dadka kasoo horjeeda ku eedeynaya inay isku dayayaan burburinta waddanka.
Madaxweynaha Mareykanka, oo ay inta badan isku fikir ahaayeen Bolsonaro ayaa ugu dambeyn si dhab ah u qaatay halista cudurka.
Bolsonaro iyo Trump ayaa labaduba lagu eedeeyay inay jeediyeen hadallo khilaaf abuuray oo ku saabsan cudurka safmarka ah.
Xigasho BBC SOMALI