Beeralayda Gaarisa Oo sheegaya In Roobabkii Da’ay Khasaare Ba’an U geysteen.

0
20

Hargaysa (Saxilnews.com)-Roobab mahiigaan ahee ka da’aya gobolka Bariga iyo Geeska Afrika ayaa khasaare ba’an meelo badan gaadhsiiyey.

Meelaha ay dhibaatooyinku ka dhaceen waxa ka mid ah degmada Gaarisa ee woqooyi bari Kenya oo dalagyo haatan in ay soo go’aan la filay ku baabiiyey.

Waxaanay beeralayda deegaankaasi sheegayaan in biyo laga sii daayey biyo xidheennada ku yaal webiga Tana ay uga sii dareen xaaladda taagan.

Halkan ka dhagayso saamaynta ay daadkan ka gaysteen deegaanada Soomaalida iyo warbixinno kale Link.

Jilaaga Bollywood Irrfan Khan, ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala waqooyiga Mumbai, sida ay sheegtay wakaalad u hadashay.

Mr Khan, ayaa 53 sano jir, ku geeriyooday.

Sanadkii 2018-kii, jilaaga ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in laga helay cudur halis ah.

Khan ayaa lagu daaweynayay isbitaal ku yaala magaalada London.

Laba bilood kaddib markii uu xanuunkiisa shaaciyey, wuxuu wax ka qoray saamaynta iyo dhibaatadii uu ka wajahay la dagaalanka cudurka kansarka.

Waxaa taageera buuxa u muujiyay dhamaan dadka ku taxan.

Haweenay u dhalatay dalka Nigeria oo ku sugnayd Lebanon ayaa la soo badbaadiyey kaddib markii xayaysiin lagu iibin rabay la soo dhigay barta Facebook.

Waxaa maalmo ka hor la xiray nin lagu tuhunsanyahay inuu ku lug lahaa arrinkan.

Xayeysiintan oo baraha bulshada lagu shaaciyey ayaa xiisad ka abuurtay gudaha dalka Nigeria.

Abike Dabiri-Erewa, oo ah madaxa guddiga qurba joogta Nigeria ayaa BBC-da u sheegay in haweenaydan 30 sano jirka ah ay hadda xaaladdeeda wanaagsantahay, kaddib markii ay booliska dalka Lebanon ay soo badbaadiyeen.

Ninkan la xiray ayaa lagu eedeeyey inuu haweenaydan oo Lebanon shaqo u joogtay uu ku iibsan rabay lacag gaaraysa 1,000 oo doollar.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here